Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS Marwo Khadiija Maxamed Al-makhzoumi oo howlo shaqo ย ku joogta Dalka Qadar,ayaa booqatay jasiiradda Binghaanim oo ah xarun lagu ilaaliyo dhirta iyo noolaha kale ee naadirka ah.
Wasiirka oo ay la socdeen xubni ka tirsan wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Waxaa ay dalkaasi kula kulmeen wasiirka deegaanka Qadar Dr Saalix Bin naasir,kuwaas oo isla soo qaaday iskaashiga labada dal iyo sida loo horumarin karo mashruucyada la xiriira ilaalinta dhirta iyo deegaanka.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS Marwo Khadiija Maxamed Al-makhzoumi,ayaa tiri fursad ayeey inoo tahay in aan gaarno jasiiraddaasi oo ah xarun lagu ilaaliyo dhirta iyo deegaanka.