Nairobi (SONNA) – Wasiirka Wasaaradda Deegganka iyo Isbadalka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Bashiir Maxamed Jaamac oo uu wehliyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa kulan mira dhal ah maanta kula qaatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya Safiirka Jarmalka ee Soomaaliya Danjire Sebastian Groth, kaasi oo uga wada hadleen xoojinta Iskaashiga labada dal, xal-u-hellidda Arrimaha Isbadalka Cimilada iyo Deegganka.
Kulanka waxaa kaloo looga hadlay xoojinta taageeridda dowladda Jarmalka ee Soomaaliya ee ku qotoma La-qabsiga Isbadalka Cimilada iyo maareynta Deegganka.
Shirka waxaa ka qeybgalay diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda, khuburo Wasaaradda Deegaanka ka tirsan iyo xubno kale.