Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    SoDMA oo gargaar raashin ah u qaybisay 2,000 oo qoys oo ku sugan Baardheere
    May 12, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika
    May 11, 2026
    Tirinta cododka Doorashooyinka K/Galbeed oo la soo geba-gebeeyay
    May 11, 2026
    Wasiirka Arimaha Dibadda oo Nairobi uga qaybgalay shir madaxeedka Africa Forward
    May 11, 2026
    Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Dhiggiisa Dalka Algeria
    May 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo Furay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada iyo Dhallinyarada
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo Furay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada iyo Dhallinyarada
GudahaWararka

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo Furay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada iyo Dhallinyarada

By SB
Last updated: August 21, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONN:- Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa si rasmi ah u furay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada iyo Dhallinyarada, kaas oo diiradda saaraya ka-qaybgalka dhallinyarada ee go’aan-qaadashada siyaasadaha cimilada, la qabsiga isbeddelka cimilada iyo horumarinta xalalka waara ee dalka.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Cabdulqaadir, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Deegaanka, Dhallinyarada iyo xubno ka socda hay’adaha dowladda, ururada bulshada rayidka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Ujeedada shirku waxay ahayd in la mideeyo aragtida dhallinyarada laguna dhiirrigeliyo ka-qaybgalka siyaasadaha qaranka ee cimilada, iyo in la xoojiyo xalalka waara ee lagu horumarinayo dhaqaalaha cagaaran iyo bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Cabdulqaadir, ayaa khudbaddiisa ku sheegay: “Waxaan aad ugu faraxsanahay in la qabto shirweynahan, waxaana rajaynaynaa in shirarka dambe aan si wadajir ah u qaban doono annaga iyo Wasaaradda Deegaanka, si dhallinyaradu uga faa’iidaystaan fursado badan oo wax ku ool ah.”

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa dhanka kale yiri: “Maadaama dhallinyaradu yihiin laf-dhabarta mustaqbalka dalka, waxaan qorsheynaynaa inaan qabanno shir ka ballaaran kan maanta, maadaama shirkan uu ahaa mid kooban oo kaliya lagu qabtay magaalada Muqdisho. Waxaan rabnaa in dhallinyaradu ay kaalin muuqata ka qaataan go’aan-qaadashada, hirgelinta siyaasadaha cimilada iyo xalalka waara ee horumarinta dalka.”

Waxa uu shirku sidoo kale fursad u noqday in dhallinyaradu ay fikradahooda iyo aragtidooda ku biiriyaan qorsheyaasha qaranka ee cimilada, loona diyaariyo Soomaaliya mustaqbal waara.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

SoDMA oo gargaar raashin ah u qaybisay 2,000 oo qoys oo ku sugan Baardheere

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa degmada Baardheere ee gobolka Gedo waxa ay shixnad…

May 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐞𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐠𝐞𝐛𝐚𝐠𝐚𝐛𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐦𝐨 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐚𝐲 𝐮 𝐣𝐨𝐨𝐠𝐞𝐞𝐧 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐓𝐚𝐧𝐳𝐚𝐧𝐢𝐚

Midship,(SONNA):- Wafdi oo uu hogaaminayo Agaasimaha Waaxda Iibka iyo Saadka Caafimaadka, Maxamed Cabdulqaadir Xirsi, ayaa booqasho aqoon-korarsi ah ku tegay…

GudahaWararka
February 8, 2025

“Haa waan joojin karnaa” halkudhigga xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

Muqdisho.SONNA...Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  XFS,Ururka Dhaqaatirta iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu talagalay…

Gudaha
March 27, 2026

Ciidamada Xoogga dalka oo saanad ciidan ka furtay maleeshiyaadka argagixisad AL-Shabab

Muqdisho:(SONNA)-Howlgaladaan lagu baacsanayo maleeshiyaadka argagixisad oo ay kawadaan gobolka Shabeelaha Hoose kumaandooska xoogga dalka ayaa waxaa ay ka sameeyay degaano…

Wararka
June 27, 2020

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Riyaad kaga qeybgalay Meertada labaad ee Wasiirdda Difaaca wadamada Islaamka (IMCTC)

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa  Magaalada Riyaad ee Boqortooyada Saudi Carabiya kaga qayb galey Meertada labaad…

GudahaWararka
February 4, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023