Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagay Degmada Dayniile oo uu ka socday diyaar-garowga doorashooyinka goleyaasha deegaanka.
Wasiirka ayaa bulshada ku booriyay in qof walba uu qaato Kaarka Cod-bixinta ka hor 25-ka december asaga oo sheegay in dib u soo celinta awoodda dadweynaha ay tahay tallaabo taariikhi ah oo lagu dhisayo nidaam siyaasadeed oo hufan, isla markaana doorashooyinku ay yihiin saldhigga dib-u-habeynta dowladnimada iyo awooddii dadweynaha.
Wasiirka ayaa xusay in Xukuumadda Danqaran ay ka go’antahay in shacabka Soomaaliyeed ay dib u helayaan awooddii siyaasadeed ee muddada dheer ka maqneyd.
