Wasiirka Wasaarada Cadaalada, Cabdiqaadir Maxamuud Jaamaca iyo madax ka socotay maamulka Ciidanka Nabad Sugida iyo Maxkamada Ciidamada Qaladbka Sida ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dib u dhis lagu sameeyay Xarunta Baarista Sirdoonka ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka waxaa munaasabadda xarigga looga jaraayey xaruntaasi ย kala qeybgalay Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida Yaasiin Farey iyo Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qaladbka Sida Xasan Cali Nuur Shuute.
Dayactirka Xarunta Baarista oo socday muddo kooban,waxaa lagu guleystay in Xarunta Baarista Sirdoonka loo dhiso hab casri ah oo horumarsan.
Sidoo kale,xaruntaasi waxaa loo dhameystiray adeegyada lagama maarmaanka u ah maxaabiista ,iyadoo loo sameeyay qalabeyn la mid ah kuwa xarumaha caalamiga ah.