Wasiirka Caafimaadka dowladda federaalka Soomaali Dr. Cali Xaaji Aadan oo ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ayaa Markii labaad Ka qeybgalay kulan ay isugu tageen wasiirada caafimaadka ee Dunida.
Kulankaasi oo ka dhacay xarunta Qarmada Midoobay,waxa uu ahaa shir doceed heer sare ah ,kaas oo looga hadlay baahinta barnaamijyada kutalagal ee la xiriira Caafimaadka loo dhanyahay ee dunida.
Wasiirka Cali Xaaji Aadan oo khudbad ka jeediyey kulankaasi ayaa ka warbixiyay xaaladaha adag ย ee ka jira dalka,gaar ahaan nuucyada cudurada faafa iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in gacan laga geysto horumarinta adeegyada caafimaad ee ay u baahan yihiin bulshada Soomaaliyeed.