Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI
    March 11, 2026
    Wasaaradda Cadaaladda oo Shaacisay Liiska Nootaayooyinka Sharciyeysan ee Sannadka 2026
    March 11, 2026
    Ciidanka Xoogga Dalka oo Xoreeyay Xawaadley
    March 11, 2026
    Soomaaliya oo Mar Kale Xaqiijisay Sida ay uga Go’an Tahay Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha
    March 11, 2026
    Wasiirka Qoyska iyo Wafdi ay hoggaamineyso oo New York uga qeybgalay kulan muhiim ah
    March 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Caafimaadka oo xarigga ka jartay xarun caafimaad oo laga hirgeliyay Beledweyne”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Caafimaadka oo xarigga ka jartay xarun caafimaad oo laga hirgeliyay Beledweyne”
GudahaWararka

Wasiirka Caafimaadka oo xarigga ka jartay xarun caafimaad oo laga hirgeliyay Beledweyne”

By Kulane
Last updated: March 27, 2021
3 Min Read
Share

Munaasabadda xarigga looga jarayay xarunta cusub ee Caafimaadka ayaa waxaa goob jooga ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeele Muxyadiin Mukhtaar Macalin, Duqa Magaalada Beladweyne Nadar Tabaax Maalin, Madaxa Xafiiska Qatar Charity ee Soomaaliya Cabdiiuur Xaaji Cali Mursal.

Ugu horayn Madaxa Xafiiska Qatar Charity ee Soomaaliya Cabdinuur Xaaji Cali Mursal ayaa tilmaamay in Xarunta ay Maanta Xariga ka jarayaan ay macno way ugu fadhido reer Beladweyne, baahi wayna loo qabay in laga hirgaliyo goobtan, waxaana uu intaa ku daray in xarunta ay bixin doonta adeeg dhanka caafimaadka ah, uuna maalgaliyay qof reer Qatar ah oon waxba ka aqoonin Beladweyne  iyo meesha ay ku taal, lakiin muhumada uu kalahaa ay tahay in ay ku badbaadaan Dadka Soomaaliyeed ee baahida u qabo adeeg Caafimaad.

Duqa Magaalda Beladweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa boogaadisay howlaha Hay’adda Qatar Charity ka hayso Soomaaliya iyadoo tilmaantay in Xarunta ay baahi wayn u qabeen dadka deegaanka,  ayna rajaynayaan in ay wax badan ka jawaabi doonta baahiyiha Caafimaad ee ka taagnaa Gobolka.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeele Muxyadiin Mukhtaar Macalin ayaa hadal uu munaasbadda ka jeediyay ku sheegay ahmiyadda ay leedahay Xaruntan oo kale oo si gaar ah loogu shaqaynayo Hooyada iyo Dhallaanka, kuwaas oo ah qaybaha aadka ugu nugul cudurada,

“Baahida caafimaad ma ahan mid Beladweyne ku kooban ee dhamaan degmooyinka Dowalad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa ka midaysan, sidaas darted waxaan ka rajaynyanaa Qatar Charity iyo Wasaaradda Caafimaadka Heer Federaal inay gacan nagu sii siiyaan ka jawaabidda baahiyaha caafimaad.” Ayuu yiri Muxyadiin.

Ugu danbayntii Wasiirka Wasaaradda Caafimaada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr Fowsiya Abiikar Nuur ayaa uga mahadcelisay Hay’adda Qatar Charity howlaha balaaran ay ka hayso Soomaaliya, iyadoo si gaar ah duco iyo Mahad u jeedisay Sama falaha Qatar ee sababta u ahaa in mashruucan hirgal,  iskana lahaa Lacagtii lagu dhisay Xaruntan.

Wasiirks ayaa sidoo kale tilmaamtay in Magaalada Beladweyne ay baahi wayn u qabto Xarumo noocan oo kale , si loo wajaho dhibaatada caafimaad darri ee ka dhalata fatahaadda joogtada ah ee uu sameeyo Wabiga Shabeelle.

Xarunta ayaa waxay ka koobantahay Rug Caafimaad oo ka kooban 10 Qol iyo Masjid loogu talagalay inay ku tuktaan ku dhawaad 500 oo qof.

Ma ahan ma arkii ugu horaysay ee hay’adda Qatar Charity ka hirgaliso Xarun Caafimaad gudaha Soomaaliya, iyadoo horay Xarumo Caafimaad uga hiragliya magaalooyinka Muqdisho , Baydhabo, Buur-Hakaba, Kismaayo, Beld-Xaawo, Afgooye, Balcad, Gaalkacyo, Caabudwaaq, tuulada Dalsan ee Gobolka Nugaal.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

Jabuuti- SONNA- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa…

March 11, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Khawaarijta oo Hoobiye ku dishay Carruur u socotay Dugsi Qur’aan

Muqdisho(SONNA):-Carruur isku qoys ahaa oo u socday dugsi Qur'aan ayaa hoobiye ay Khawaarijtu soo tuurtay ku haleelay xaafad ka tirsan…

GudahaWararka
April 19, 2025

Dad shacab ah oo ku dhintay qarax Miino oo saaka ka dhacay Duleedka Baydhabo

Baydhabo(SONNA) Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa sheegaya in qarax sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac uu…

Wararka
July 4, 2020

R/Wasaaraha XFS oo la kulmay odoyaasha dhaqanka ee Caabudwaaq

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa degmada Caabudwaaq kulan kula yeeshay hoggaamiyaasha…

Wararka
December 17, 2020

Wasiir Maareeye oo guddoomiyey kulan ku saabsan horumarinta Beeraha

Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS Xil. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye shir gudoomiyay Kulanka Isku-xirka ee Wasaaradda Beeraha…

GudahaWararka
December 10, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023