Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhaar Roobow Cali ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy dhamaan qoyska, ehelka iyo qaraabada,isagoo uga tacsiyeeyay geeridii ku timid marxuum Maxamed Cali Adan (Qalinle) oo xalay ku geeriyoodey magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dolwad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wasiirku,wuxuuna marxuumkaasi ilaahey uga baryey inuu qabrigiisa u waasaciyo, kuna arsaaqo Jannatul Fardowsa, qoyska, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeedna waxa uu faray sabar iyo iimaan.
Allaha u naxriistee marxuum Maxamed Cali Adan (Qalinle) wuxuu ahaa rug caddaa siyaasi ah oo xilal kala duwan kasoo qabtey Dowladihii Dalka soo maray, gaar ahaan dowladii militeriga, wuxuuna door muhiim ah kasoo qaatey dib u yegleelida qaranka ee maanta la harsanayo, kadib QaranJabkii Dalka ka dhacay 1991.