Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar
    January 10, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarriga ka jaray baarkin cusub oo uu yeelanayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo golaha shacabka horgeeyey Hindise sharciyeedka Dad-dhigista
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo golaha shacabka horgeeyey Hindise sharciyeedka Dad-dhigista
GudahaWararka

Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo golaha shacabka horgeeyey Hindise sharciyeedka Dad-dhigista

By SB
Last updated: February 3, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta hordhigay golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Hindisaha-sharci ee Dad-dhigidda iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah, isaga oo ka hor akhriyay sharcigan oo udub-dhexaad u ah qorsheynta howlaha hormarineed ee taabanaya nolosha muwaadinka oo ay dowlad fuliso.

Ugu horreyn, muadne Axmed Macallin Fiqi waxaa uu golaha u sharaxay sooyaalka nidaamkan isaga oo yiri โ€œ Hindisahaan-sharci ayaa nidaaminaya adeegga dad-dhigidda oo adeeg aad u fac weyn, kana mid ahaa adeegyadii ugu horreeyay ee ka hirgalay geyiga Soomaaliya muddo laga joogo boqol iyo laabatan sano, waxaana markii ugu horraysay uu ka dhaqangalay gobollada waqooyi ee Soomaaliya iyadoo Boqortooyadii Ingiriiska ee ka talinaysay dhulkaasi ay dejisay shuruuc nidaaminaysay arrimaha dhalashada, dhimashada, guurka iyo furiinka muddadii u dhaxaysay 1902dii illaa 1904tii. Sidoo kale, dowladdii Talyaaniga ayaa iyana soo saartay shuruucda nidaaminaysa arrimaha dad-dhigidda ee Soomaalidii iyo shisheeyihii xilligaasi ku noolaa Soomaaliya. Ugu dambeyn, waxaa adeeggii dad-dhigidda la middeeyay markii la qaatay xorriyada, israaceen labada gobol ayna dhalatay Jamhuuriyaddii 1aad Dalkeena taasi oo loo garanayay Jamhuuriyaddii Soomaalida, wuxuuna adeeggaasi si habsami leh u socday illaa burburkii Dowladdii Dhexe ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ee 1991kii.

Hindisahaani-sharci oo ka kooban lix cutub iyo 46 qodob, isla markaana nidaaminaya diiwaangelinta iyo tirakoobka xaaladaha khuseeya dhalashada, guurka, furiinka, dhimashada iyo kafaalqaadka ubadka ayuu Wasiir Fiqi ku dheeraaday ujeedooyinkiisa sida;

(1). Dhisidda iyo hirgelinta adeeg Dad-dhigis oo midaysan, casri ah, tayadiisu sarreyso ah si fududna loo heli karo kuna baahsan dalka oo idil

(2). Nidaaminta iyo daadejinta hawlaha Dad-dhigista iyo bixinta shahaadooyinkooda

(3). Adkaynta kaalinta dowladaha hoose ay ku leeyihiin bixinta adeegyada Dad-dhigidda

(4). Yagleelidda xog-dhigga/kaydka Qaran ee dhammaan Diiwaanada Xaaladaha Madaniga ah iyo kuwa qoyska

(5), Soo-saarista warbixinnada Tiro-koobka Xaaladaha Madaniga ah kuwaasi oo tayadoodu sarrayso;

(6). Dhisidda heykal maamul oo u xilsaaran fulinta adeegyada Dad-dhigista iyo Tirokoobka Xaaladaha Madaniga ah iyo qeexidda doorarka ay kala leeyihiin;

(7). Hirgelinta xarumo diiwaan-gelin oo lagu fulinayo hawlaha Dad-dhigista iyo tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah

(8). Joogtaynta leylinta diiwaan-hayeyaalka, hawl-wadeennada iyo xirfadleyaasha fuliya hawlaha Dad-dhigidda ee heer qaran, dawlad-goboleed, degmo, tuulo iyo miyiga fog; iyo

(9). Xoojinta wada-shaqeynta heyโ€™addaha qeybta ka ah hawlaha Dad-dhigista iyo Tiro-koobka Xaaladaha Madaniga ah.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in adeeggan ay muwaadiniinta ka heli doonaan degoomiyinka dalka, iyada oo ay intaa dheer tahay in dhammaan shahaadooyinka ay bixinayaan dowladaha hoose ay yeelanayaan awood sharci iyo aqoonsasho isku mid ah iyo in muwaadinka ku heli doono shahaadada dad-dhigista qiimo jaban marka uu sharcigaani dhaqangalo.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Muqdisho(SONNA):-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo ku aaddan khasaarihii soo gaaray Safaaradda…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Agaasimaha SOMINVEST ee Soomaaliya oo la kulmay Hayโ€™adda Maalgelinta Tooska ah ee Kuwait

Kuwait, (SONNA):- Agaasimaha Xafiiska Dhirigelinta Maalgashiga Soomaaliya (SOMINVEST) ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha (MoPIED), Maxamed Dubo, ayaa maanta…

GudahaWararka
January 9, 2025

Turkiga oo ku sharfay Dowladda Soomaaliya taageerada wax ka qabashada dhibaatadii ka dhalatay dhulgariirkii 6-dii Febraayo, 2023

Muqdisho(SONNA):-ย Madaxweynaha Dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku sharfay Dowladda Soomaaliya taageerada wax ka qabashada dhibaatadii ka dhalatay dhulgariirkii 6-dii…

GudahaWararka
February 9, 2025

Gudoomiyaha hay’adda Qaxootiga oo shir uga qaybgalay Djibouti

Djibouti (SONNA): Guddoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Axmed Xuseen Cilmi oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta…

GudahaWararka
November 19, 2025

Madaxaweynaha Jabbuuti oo Madaxtooyadda dalkaasi ku qaabilay wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jubbaland

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyada aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geelle ayaa Xarunta Madaxtooyada Jabuuti ku qaabilay Wefdi…

GudahaWararka
January 15, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023