Muqdisho (SONNA):-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib uWasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta mudane Macallim Fiqi oo safar ku jooga jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan ayaa isaga iyo wafdigiisu waxaa ay booqasho ku tageen Machadka Pakistan ee Adeegyada Baarlamaanka.
Mudane Axmed Fiqi iyo wafdigiisa ayaa kulan la qaatay agaasimaha Machadka Maxamed Anwar, waxaana loo sharxay adeegyada uu Machadka bixiyo, kuwaas oo ah cilmi baaris iyo tababarada xildhibaannada.
Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Axmed Macallim Fiqi oo ay qeyb ka yihiin Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka, Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee dowlad gobolleedyada Soomaaliya iyo hayโadda diiwaangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ayaa inta ay joogaan Pakistan waxaa ay masโuuliyiinta dalkaasi kala hadlayaan dowlad dhiska, federaalka, dastuurka, maamul daadejinta, diiwaangelinta dadweynaha iyo arrimo kale.