Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa maanta ku wareejiyey maktabadda Machadka Diblomaasiyadda iyo Tababarka ee Wasaaradda xirmo buugaag ah oo uu maktabadda soo gaarsiiyey Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka, Amb. Daahir Xasan Carab.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyey Danjire Daahir Carab hadiyaddan qiimaha badan, isagoo ku tilmaamay mid wax weyn ku soo kordhinaysa machadka. Wuxuu sidoo kale sheegay in ardayda wax ka barata machadka iyo shaqaalaha Wasaaradda ay ka faa’iidaysan doonaan buugaagtaas.
Buugaagtaasi waxay qeyb ka noqon doonaan kuwa horey uga yiil maktabadda machadka, kuwaasoo ah hanti muhiim ah oo ay Wasaaraddu leedahay.