Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda FS Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa soo gabagabeeyay kulan uu kaga qeybgalay Dalka Austria oo la xiriiray Mamnuucidda Tijaabinta Hubka Nuclearka.
Wasiirka ayaa la kulamay wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Austria Alexander Schallenberg,iyagoo ka wada hadlay arrimaha muhiimadda u leh xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee labada dal, dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, waxbarashada, ammaanka iyo horumarinta arrimaha dhallinyarada.
sidoo kale Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa shir muhiim ah la yeelannay wasiirka arrimaha gudaha dalka Austria Mr. Gerhard Karner ,waxayma isla soo qaadeen iskaashiga iyo horumarinta arrimaha bulshada iyo sidii la isaga kaashan lahaa hawlaha muhiimadda u leh labadeenna dal.
Wasiirka ayaa sheegay in uu kormeer ku tagnay mid ka mid ah xarumaha la socodka xogta tijaabinta hubka Nuclearka ah oo ku dhextaal xarunta Qaramada Midoobey ee Vienna, waxaana warbixin ku saabsan sida xarumahani u shaqeeyaan iyo sida xogaha ay helaanna ugu gudbiyaan hay’adaha ku shaqada leh naga siiyey khubarada ka shaqeeya.
“Dalkeenna waxaa laga dhisi doonaa xarun xogahaas uruurisa una gudbisa hay’adaha dowladda ee ay khusayso, waxaana loo tababari doonaa muwaadiniin Soomaaliyeed ayuu yiri”Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Heshiiskaan waxaa horay u saxiixay 186 dawladood oo ay ku jiraan 51 dal oo Afrikaan ah. Dawladdeenna oo ka mid ah dawladaha kooban ee aan weli heshiiskaan saxiixin ayaa intii shirkaani socday caddaysay mawqidkeeda ah inay ka mid noqoto saxiixayaasha heshiiskan caalamiga ah.
Heshiiskaan ayaa mamnuucaya in hubka Nuclear ka ah lagu tijaabiyo badaha guntooda, dhulka hoostiisa iyo hawadaba,iyadoo caalamka laga dhisay 337 xarumood oo lagula socdo haddii ay cidi tijaabisa hubkan.
Soomaaliya waxay horay u saxiixday dhawr heshiis oo la xiriira xakamaynta hubka Khatarta ah sida: ◦ Heshiiska hordhaca ah ee Mamnuucidda Tijaabinta Hubka Nuclearka,◦ Heshiiska Mamnuucidda Faafidda Hubka Nuclearka ah,Heshiiska Mamnuucidda Faafidda Hubka Kiimikadda ah,Heshiiska Afrika xor ka ah Hubka Nuclearka ah (Pelindaba) iyo Heshiiska Mamnuucidda Faafidda Hubka Biologyga ah.