Kampala, (SONNA); – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qayb galay shir heer wasiir ah oo ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda. Shirka ayaa loogu diyaar garoobayay shir-madaxeedka Midowga Afrika oo lagu wado in uu dhawaan ka dhaco isla magaalada Kampala.
Wasiirka waxaa shirka ku wehlinayay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Xamse Xaadow iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare.
Shirka maanta ayaa diiradda lagu saaray istiraatiijiyadda horumarinta beeraha dalalka Afrika ee tobanka sano ee soo socda (2026–2035). Wasiirradii ka qayb galay shirka ayaa isku raacay in xoogga la saaro tacbashada iyo kor u qaadidda wax soo saarka beeraha si loo xoojiyo isku-filnaanta dalalka Afrika.
Shirkan oo galay maalintii labaad ayaa shalay waxaa ka qayb galay Wasiirrada Beeraha ee dalalka Afrika, kuwaas oo sidoo kale dood muhiim ah ka yeeshay mustaqbalka beeraha qaaradda.