Istanbul(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii ย kaga qeybgalay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, Shirka degdega ee ay iskugu yimaadeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta. Fadhigani ayaa lagu qabtay codsi ka yimid Jamhuuriyadda Ciraaq si looga hadlo xiisadihii u dambeeyay ee u dhaxeeyey Iiraan iyo Israaโiil.
Kulankan ayaa dhacay xilli xiisad goboleed oo xasaasi ah ay taagan tahay, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta midnimada Carbeed iyo dejinta mowqif isku-duwan si loo xakameeyo xiisadaha cirka isku sii shareeraya, loona dhowro amniga iyo xasilloonida gobolka.