Qaahira(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Ahmed Moallim Fiqi, oo shalay gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, ayaa wada-hadallo rasmi ah halkaas kula leh dhiggiisa dalka Masar, Mudane Badar Cabdilati.
Wada-hadalladan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal, iyadoo xoogga la saarayo horumarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah, sida amniga, siyaasadda, waxbarashada, iyo dhaqaalaha.
Cilaaqaadka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Masar ayaa ku saleysan walaaltinimo iyo iskaashi waxtar leh, kaas oo qayb ka qaadanaya horumarinta labada dal.