Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI
    March 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Pretoria kula kulmay dhiggiisa South Africa oo uu kala hadlay xoojinta iskaashiga labo geesoodka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Pretoria kula kulmay dhiggiisa South Africa oo uu kala hadlay xoojinta iskaashiga labo geesoodka
GudahaWararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Pretoria kula kulmay dhiggiisa South Africa oo uu kala hadlay xoojinta iskaashiga labo geesoodka

By SB
Last updated: July 4, 2025
2 Min Read
Share

Pretoria(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, yaa maanta oo Jimce ah kula kulmay magaalada Pretoria, dhiggiisa, Wasiirka Xiriirka Caalamiga iyo Iskaashiga ee Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Ronald Ozzy Lamola, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo ballaarinta dhinacyada iskaashiga.

Kulanka ayaa lagu fallanqeeyay dhowr arrimood oo muhiim ah, sida isku-duwidda iyo wadatashiga arrimaha fagaarayaasha caalamiga, diyaarinta heshiisyada is-afgaradka labada dal ay qorsheynayaan inay wada saxiixdaan oo uu ku jiro heshiis u dhexeyn doona labada dal oo ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan baasaboorka diblomaasiga iyo kan shaqaalaha shuruudaha dal-ku-galka. Wadahadalka ayaa sidoo kale diiradda lagu saarray fududaynta isku socodka dadka, dib u furidda ergada diblomaasiyadeed ee Koonfur Afrika ay ku lahaan jirtay Caasimadda Muqdisho iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgeshiga iyo amniga.

Wasiir Cabdisalaan ayaa carabaabay tixgelinta uu u haayo Dowladda iyo Dadka Koonfur Afrika ku martigelinta dalkooda jaaliyad Soomaaliyeed oo aad u weyn oo ka qeyb-qaadatay si firfircooni leh dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo dhaqaalaha, isaga oo caddeeyay saaxiibtinimada soo jireenka ah ee labada dal.

Dhankiisa, Wasiir Lamola ayaa markale ku celiyay in Koonfur Afrika ay si sugan oo cad ay u garab taagan tahay midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga iyo horumarinta hindiseyaal wax ku ool ah oo labada dal faa’iido u leh.

Soomaaliya waxa ay Koonfur Afrika la leedahay xiriir saaxiibtimo qoto-dheer, iyadoo ay ku suntantahay taageerrada xooggan ee siyaasdeed iyo mid diblomaasiyadeed ay u fidisay halgankii Koonfur Afrika ee ka dhanka ahaa xukunkii midab-takoorka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah

Muqdisho.SONNA...Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo la hadlay cutub kamid ah ciidanka…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Warfaafinta iyo Jaamacadda Muqdisho oo kala saxiixday Heshiis Is-afgarad oo ku saabsan Horumarinta Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska

Muqdisho(SONNA);-Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Jaamacadda Muqdisho ayaa maanta kala saxiixday heshiis is-afgarad wada-shaqeyn oo…

GudahaWararka
July 7, 2025

Taliyaha Ciidanka dhulka oo sheegay in ay laba laabi doonaan howlgallada lagu baacsanayo khawaarijta

Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka dhulka Gen; Dayax Cabdi Cabdulle ayaa safar kormeer iyo dhiiri gelin Ciidanka ah ku tagay Saldhigga Ciidamada Xoogga…

GudahaWararka
March 27, 2024

Sii-hayaha wasiirka Ganacsiga XFS oo ku baaqay in sida ugu habboon looga talo bixiyo dhaqan gelinta xeer-nidaamiyaha sharciga shirkadaha

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta furay kulan la-tashi ah oo Wasaaraddu ay u qabatay…

Wararka
October 7, 2020

6 ruux oo ku dhintay qarax ka dhacay Afghanistan

Lix ka mid ah ciidamada Police-ka Afghanistaan ayaa ku dhintay qarax ka dhacay gobalka Herat ee galbeedka dalkaas. Guddoomiyaha gobalka…

Caalamka
March 22, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023