Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kaga qaybgalay Brussels Madasha Afaraad ee heer Wasiir ee Midowga Yurub
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kaga qaybgalay Brussels Madasha Afaraad ee heer Wasiir ee Midowga Yurub
GudahaWararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kaga qaybgalay Brussels Madasha Afaraad ee heer Wasiir ee Midowga Yurub

By SB
Last updated: November 21, 2025
4 Min Read
Share

Brussels(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah kaga gaybgalay magaalada Brussels Madasha Afaraad (4-aad) ee heer Wasiir ee Midowga Yurub iyo wadamada ku teedsan labada badweyn ee Hindiya iyo Baasifig (EU Indo-Pacific).

Wasiirka oo ka mid ah madaxda iyo mas’uuliyiinta Yurub iyo dalalka labadaasi badweyn ku laala ee lagu casuumay shirka ayaa waxa ay uga wada hadleen amniga caalamiga, iskaashiga dhinacyada badan iyo xasiloonida gobolka.

Madashani waxaa ka soo qaybgalay wakiillo ka socda in ka badan 60 dal oo ka dooday xiisadaha siyaasadeed ee sii kordhaya, hanjabaadaha amni ee soo ifbaxaya, iyo saameynta isbeddelka cimilada ee nidaamka caalamiga.

Wasiir Cabdisalaan oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa muujiyay taageeriddiisa iskaashiga dhinacyada badan, xal u helidda khilaafaadka si nabad ah, iyo xoojinta hay’adaha caalamiga. Waxa uu adkeeyay muhiimadda wadahadalka, xasiloonida gobolka, iyo horumarka sinnaanta ku dhisan ee wax looga qabanayo caqabadaha caalamiga.

Wasiir Cabdisalaan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga xilli ay jiraan hubanti la’aan siyaasadeed oo weyn. Wuxuu xusay in marka tartanka awoodaha waaweyn uu sii xoogeysto, silsiladaha sahayda caalamiga ah ay wajahaan cadaadis cusub, iyo in baduhu ay noqdaan kuwo si weyn loogu loolamo, isaga oo xusay baahida loo qabo iskaashi wadajir ah.

Wasiirku wuxuu iftiimiyay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee labada badweyn ee Hindiya iyo Baasifig, isaga oo tilmaamay in ay yihiin xudunta xasilloonida caalamiga. Waxa uu sheegay in marinnada labada bad ay xoojiyaan ganacsiga caalamiga iyo shabakadaha dhijitaalka, weyninka bedka ay ku fadhiyaanna ay taageero u tahay nolosha malaayiin qof. Waxa uu intaa ku daray in caqabadaha ka jira gobolka, oo ay ka mid yihiin dhaq-dhaqaayada badeed ee sharci-darrada ah, nuglaanta cimilada, iyo horumarka degdega ah ee hanjabaadaha internet-ka, ay weli yihiin kuwo isku xiran oo adag.

Wasiir Cabdisalaan ayaa caddeeyay in aan dal keli ahi waxba ka qaban karin caqabadahani. Waxa uu sheegay in amnigu uu isku xiran yahay, barwaaqaduna la wadaago, isaga oo ku baaqay in la sameeyo fal-celin iswaafaqsan oo ku dhisan xushmad-is-dhaafsi, mas’uuliyad wadaag, iyo iskaashi wax ku ool ah.

Wuxuu ku booriyay in wadahadalka loo beddelo tallaabooyin waxtar leh iyada oo la xoojinayo amniga badda, lana horumarinayo qaab-dhismeedyo dhaqaale oo la saadaalin karo, iyada oo la kordhinayo adkeysiga dhijitaalka iyo teknoolojiyadda, iyo in la horumariyo habab iskaashi oo wax looga qabanayo hanjabaadaha soo ban-baxaya.

Wasiirka oo ka hadlay arrinka Soomaaliya, ayaa waxa uu sharaxay in xeebaha dalka ay ka mid yihiin xuduudaha badda ee ugu istiraatiijiyadda badan gobolka, isaga oo yiri “Soomaaliya waxa ay dib u dhisaysaa awooddeeda badeed, xoojineysaa maamulidda biyaheeda, qoto-dheeraynaysaa iskaashiga ay la leedahay gobolka si loo ilaaliyo waddooyinka ganacsi ee muhiimka ah.

Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku soo xiray muhiimadda ah in la hubiyo in wadamada ku teedsan labada badweyn ee Hindiya iyo Baasifig midkoodba kan kale uu xurmeeyo madax-bannaanidiis, qarannimadiisa iyo midnimadiisa, lana qiimeeyo iskaashiga, dal kastaba yeesho cod la siman kan kale oo qaabaynaya mustaqbal wadaagga . Waxa uu mar kale xaqiijiyay diyaar-garowga Soomaaliya ee la shaqeynta dhammaan bah-wadaagta si loo gaaro hiigsiga wadajirka ah.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dood cilmiyeed ku saabsan maamulka iyo maareynta shaqaalaha rayidka oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudnae, Cali Muumin Muuddey ayaa furay madal…

GudahaWararka
March 29, 2023

Ciidanka Xoogga oo kaashanaya ciidanka daraawiishta Jubbaland ayaa kooxda khawaarijta kala wareegay deegaan istiraatiiji ah

Mqudisho-(SONNA)-Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland oo is kaashanaya ayaa galabta kooxda Khawaarijta ah kala wareegay deegaan istiraatiiji ah…

GudahaWararka
July 6, 2024

Ciidamada XDS oo guulo waa weyn ka soo hooyay howlgalka “Seefta Qarsoon,”

Muqdisho,(SONNA):- Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ayaa guulo muhiim ah ka gaaray howlgallada lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ka socda gobolka Shabeellaha…

GudahaWararka
December 27, 2025

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo ardayda Soomaaliyeed ee Kampala uga warbixiyay Xaalada dalka+Sawirro

Munaasabadaan ay soo qaban qaabiyeen rugta qorayaasha Soomaaliyeed ee dalka Uganda ayaa marti waxaa ku ahaa wasiirka shaqada iyo Arrimaha…

Wararka
February 16, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023