Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
    Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe  ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Ka Qaybgalay Shirka Heer Wasiir ee FOCAC
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Ka Qaybgalay Shirka Heer Wasiir ee FOCAC
GudahaWararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Ka Qaybgalay Shirka Heer Wasiir ee FOCAC

By Kanaava Mohamed
Last updated: June 11, 2025
2 Min Read
Share

Changsha(SONNA):-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga qayb gashay Shirka Heer Wasiir ee Isku-duwayaasha Hirgelinta Go’aamada FOCAC, kaas oo lagu qabtay magaalada Changsha ee gobolka Hunan, Shiinaha. Waxaa Soomaaliya uga qaybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalam Abdi Ali, oo hoggaaminayey wafdi heer sare ah.

Wasiir Cabdisalam wuxuu aad u soo dhaweeyey ballanqaadyada cusub ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Shiinaha, Mudane Xi Jinping, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Wang Yi, kuwaas oo xoojinaya iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ee dhinacyada horumarka, ganacsiga, tiknoolajiyadda, iyo sugnaanta cuntada. Wuxuu si gaar ah u bogaadiyay doorka hoggaamineed ee Shiinuhu ka qaadanayo horumarinta Qaaradda Afrika, isagoo sheegay in ballanqaadyadaas ay waafaqsan yihiin himilooyinka qaranka Soomaaliyeed ee ku saleysan xasilooni, koboc iyo dib-u-dhis.

Wasiirku wuxuu xusay in 25-kii sano ee la soo dhaafay tan iyo markii la aasaasay Madasha FOCAC, ay Afrika ku tallaabsatay horumar la taaban karo—laga bilaabo kaabeyaasha dhaqaalaha, ilaa fursadaha ganacsi iyo maalgashi oo sii ballaaranaya. Wuxuu ku tilmaamay FOCAC inuu yahay tusaale guuleystay oo ka tarjumaya waxa ay tahay saaxiibtinimo dhab ah oo aan ku salaysnayn hadal kaliya, balse ay horseedayso natiijooyin muuqda oo wax ku ool ah.

Soomaaliya, ayuu sheegay Wasiirku, waxay si buuxda u garab taagan tahay dhismaha bulsho leh mustaqbal wadaag ah oo ay hoggaan u tahay wada-shaqeyn ku saleysan ixtiraam iyo daahfurnaan. Wuxuu si cad u muujiyay mudnaanta ay Soomaaliya siineyso horumarinta awoodda aadanaha, dhismaha dowladnimada dhijitaalka ah (e-governance), horumarinta wax-soo-saarka gudaha iyo sare u qaadista ganacsiga la dhoofiyo—iyadoo fursad u aragta iskaashiga Shiinaha mid wax ka tari kara yoolalkaas.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan qaar ka mid…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha SoDMA oo kula la qaatay wafdi ka socday Hay’adda UNOCHA

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta Xarunta hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ku qaabilay Wafdi Sare oo ka…

GudahaWararka
May 27, 2024

Madaxweyne Guudlaawe oo gaaray Mahadaay

Mahadaay(SONNA):-Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo  gaaray degmada Mahadaay ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xaafadaha degmada…

GudahaWararka
November 16, 2023

Rafaadkii Khawaarijtu badday raxmad ayaa u bedeshay reer Raaga Ceele. (Warbixin)

Muqdisho.(SONNA):- Raage Ceele, waa magaalo ku fiican marti-soorka iyo soo dhoweynta, sida ka muuqata oraahda ah” Raaga Ceelaa la rogaa…

GudahaMaqaalladaWararka
February 19, 2023

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya

Muqdisho(SONNA);-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo…

GudahaWararka
July 27, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023