Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Dekaddaha XFS oo ka mahad celiyey ansixinta heshiiska fududeynta Gaadiidka ee Badaha
    March 5, 2026
    Golaha Wasiirrada XFS oo ka hadlay xaaladda dalka iyo qodobbo kale
    March 5, 2026
    Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo dhoweysay ansixinta dastuurka
    March 5, 2026
    Wasaaradda Hawlaha Guud XFS oo taageertay ansixinta baarlamaanka ee dastuurka dalka
    March 5, 2026
    Golaha Samata-bixinta oo soo dhoweeyay ansixinta dastuurka dalka
    March 5, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka arrimaha dibadda oo ka qaybgalay shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee OIC
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka arrimaha dibadda oo ka qaybgalay shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee OIC
GudahaWararka

Wasiirka arrimaha dibadda oo ka qaybgalay shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee OIC

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: July 28, 2025
3 Min Read
Share

Dooxa (SONNA): Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo Isniin ah hadal ka jeediyay shirka heer wasiir ee kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka, kaasoo lagu qabtay magaalada Dooxa inta u dhexeysay 27–28 Luulyo. Shirka oo ay martigelisay Dowladda Qatar, waxaa si rasmi ah u furay Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda ee Qatar, Mudane Sultan bin Saad bin Sultan Al Muraikhi.

Kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa la aas-aasay sanadkii 2007, si ay u noqoto madal lagu abaabulo taageerada isku dubbaridan ee nabadda, horumarka, iyo wax ka qabashada xaaladaha bini’aadantinimo ee Soomaaliya. Kulanka sanadkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, wada-shaqeynta, iyo dib-u-eegista horumarka laga gaaray arrimaha muhiimka ah, sida amniga, dib-u-habaynta dhaqaalaha, iyo maamulka loo dhan yahay.

Wasiirka ayaa hadal-jeedintiisa ku soo bandhigay guulaha ugu dambeeyay ee laga gaaray qorshaha horumarinta amniga Soomaaliya, oo ay kamid yihiin wareejinta 23 saldhig ciidan oo caalami ah oo lagu wareejiyay ciidamada qaranka, iyo dhismaha 20,000 oo askari oo cusub. Waxa uu sidoo kale ku baaqay in si xooggan loo taageero Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada saadka, agabka daba-galka iyo raad-raaca, iyo nidaamka ka hortagga walxaha qarxa.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa iftiimiyay isbeddelka dhaqaale ee dalka kadib markii laga cafiyay deymaha, isagoo ku baaqay in la helo maalgashi la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025–2035) iyo Hiigsiga 2060. Waxa uu xusay kororka maalgashiga tooska ah ee shisheeye, isla markaana uu muujiyay fursadaha ballaaran ee ka jira kaabayaasha dhaqaalaha iyo qaybaha tamarta.

Markii uu ka hadlayay arrimaha siyaasadda, Wasiirku wuxuu tilmaamay horumarka laga sameeyay geedi-socodka federaaleynta, qabyo-tirka dastuurka, iyo diyaar-garowga doorashada guud ee la filayo in ay qabsoonto sanadka 2026. Waxa uu sidoo kale soo dhoweeyay taageerada loo fidinayo waxbarashada iyo caafimaadka, isaga oo caddeeyay in dowladda ay ka go’an tahay horumarinta guud, gaar ahaan xoojinta kaalinta dhalinyarada iyo haweenka.

Wasiirku waxa uu khudbaddiisa ku xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo dhaweysay hirgelinta nidaamka sanduuqyada bini’aadantinimo ee Ururka Iskaashiga Islaamka, oo uu ka mid yahay Sanduuqa Gaarka ah ee Horumarinta Soomaaliya, isagoo ku baaqay in la dedejiyo hirgelintiisa. Sidoo kale, waxa uu soo jeediyay in la sameeyo guddi daba-gal ah oo ka tirsan Kooxda Xiriirka, si ay ula socdaan geeddi-socodka isla markaana kor loogu qaado wadashaqeynta.

Gabagabadii, Wasiirka ayaa u mahadceliyay Dowladda Qatar iyo dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, taageerada joogtada ah ee ay u hayaan Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay noqoto dal nabad ah, isku filan, una jihaysan xasillooni waarta.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Dekaddaha XFS oo ka mahad celiyey ansixinta heshiiska fududeynta Gaadiidka ee Badaha

Muqdisho.SONNA…Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Golaha Wasiirada uga…

March 5, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle oo kormeeray goobta lagu qabanayo doorashada xildhibaanada JFS ee ka dhacayso Jowhar.

SONNA (MUQDISHO)- Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta loo qorsheeyay inay ka dhacdo Doorashada…

GudahaWararka
January 25, 2022

Wasaaradda Gargaarka iyo Mareeynta Masiibooyinka oo ka digtay dabaylo qasaare geysan kara

Muqdisho (SONNA)- Wasaaradda Gargaarka iyo Mareeynta Masiibooyinka XJFS waxa ay ka digeysaa duufaano kusoo wajahan inta u dhaxeysa Boosaaso iyo…

Wararka
November 22, 2020

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee K/Afrika iyo Madaxda Safaaradda oo kulan ku yeeshay Durban.

Mas’uulinta Safaaradda oo uu hogaaminayo Danjiraha oo ay wehliyaan Uqeybsanayaasha Ganacsiga iyo Waxbarashada ayaa socdaal ku tagay magaalada Durban,waxeyna kulamo…

Wararka
November 24, 2020

Hoggaamiyaal ka tirsan Daacish oo lagu dilay dalka Filibiin

Ciidamada Dalka Filibiin ayaa dilay hoggaamiyaal ka tirsan kooxda Daacish ee ka howlgala dalkaasi,kadib kolii ciidamadaasi ay weerar ku qaadeen…

Caalamka
June 15, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023