Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
    February 1, 2026
    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ooย kulan la qaatay hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka
    February 1, 2026
    Wasiir Fiqi oo sheegay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsan codsiyo u soo dirsadeen dowladda
    February 1, 2026
    Guddoonka labada Aqal ee BFS oo ganaaxay Xildhibaanno qalalaaso ka sameeyay fadhigii wadajirka ahaa
    February 1, 2026
    Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal nadiifin ah ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe
    February 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka arrimaha dibadda oo ka qaybgalay shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee OIC
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka arrimaha dibadda oo ka qaybgalay shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee OIC
GudahaWararka

Wasiirka arrimaha dibadda oo ka qaybgalay shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee OIC

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: July 28, 2025
3 Min Read
Share

Dooxa (SONNA): Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo Isniin ah hadal ka jeediyay shirka heer wasiir ee kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka, kaasoo lagu qabtay magaalada Dooxa inta u dhexeysay 27โ€“28 Luulyo. Shirka oo ay martigelisay Dowladda Qatar, waxaa si rasmi ah u furay Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda ee Qatar, Mudane Sultan bin Saad bin Sultan Al Muraikhi.

Kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa la aas-aasay sanadkii 2007, si ay u noqoto madal lagu abaabulo taageerada isku dubbaridan ee nabadda, horumarka, iyo wax ka qabashada xaaladaha biniโ€™aadantinimo ee Soomaaliya. Kulanka sanadkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, wada-shaqeynta, iyo dib-u-eegista horumarka laga gaaray arrimaha muhiimka ah, sida amniga, dib-u-habaynta dhaqaalaha, iyo maamulka loo dhan yahay.

Wasiirka ayaa hadal-jeedintiisa ku soo bandhigay guulaha ugu dambeeyay ee laga gaaray qorshaha horumarinta amniga Soomaaliya, oo ay kamid yihiin wareejinta 23 saldhig ciidan oo caalami ah oo lagu wareejiyay ciidamada qaranka, iyo dhismaha 20,000 oo askari oo cusub. Waxa uu sidoo kale ku baaqay in si xooggan loo taageero Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada saadka, agabka daba-galka iyo raad-raaca, iyo nidaamka ka hortagga walxaha qarxa.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa iftiimiyay isbeddelka dhaqaale ee dalka kadib markii laga cafiyay deymaha, isagoo ku baaqay in la helo maalgashi la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025โ€“2035) iyo Hiigsiga 2060. Waxa uu xusay kororka maalgashiga tooska ah ee shisheeye, isla markaana uu muujiyay fursadaha ballaaran ee ka jira kaabayaasha dhaqaalaha iyo qaybaha tamarta.

Markii uu ka hadlayay arrimaha siyaasadda, Wasiirku wuxuu tilmaamay horumarka laga sameeyay geedi-socodka federaaleynta, qabyo-tirka dastuurka, iyo diyaar-garowga doorashada guud ee la filayo in ay qabsoonto sanadka 2026. Waxa uu sidoo kale soo dhoweeyay taageerada loo fidinayo waxbarashada iyo caafimaadka, isaga oo caddeeyay in dowladda ay ka goโ€™an tahay horumarinta guud, gaar ahaan xoojinta kaalinta dhalinyarada iyo haweenka.

Wasiirku waxa uu khudbaddiisa ku xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo dhaweysay hirgelinta nidaamka sanduuqyada biniโ€™aadantinimo ee Ururka Iskaashiga Islaamka, oo uu ka mid yahay Sanduuqa Gaarka ah ee Horumarinta Soomaaliya, isagoo ku baaqay in la dedejiyo hirgelintiisa. Sidoo kale, waxa uu soo jeediyay in la sameeyo guddi daba-gal ah oo ka tirsan Kooxda Xiriirka, si ay ula socdaan geeddi-socodka isla markaana kor loogu qaado wadashaqeynta.

Gabagabadii, Wasiirka ayaa u mahadceliyay Dowladda Qatar iyo dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, taageerada joogtada ah ee ay u hayaan Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ka goโ€™an tahay in ay noqoto dal nabad ah, isku filan, una jihaysan xasillooni waarta.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan…

February 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Aqalka sare oo ugu hambalyeeyay dowladda Talyaaniga maalinta Qarannimada Dowladda Talyaaniga

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta…

GudahaWararka
June 2, 2024

QM oo sheegtay in dad ka badan nus Malyuun ay ka barakaceen fatahaadaha ka dhacay Soomaaliya

New York-(SONNA)-Hayโ€™adda QM u qaabbilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in Dad kabadan 150,000 ay ka barakaceen fatahaadihii ka dhacay…

WararkaWargayska
August 8, 2020

Afhayeenka Xukuumadda Macalimuu oo dhaawaciisa loo qaaday dalka dibaddiisa

Muqdisho-(SONNA)-Afhayeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Ibraahim Macalimuu oo shalay ku dhaawacmay qarax uu fuliyey qof naftii hallige ah ayaa dhaawaciisa loo…

GudahaWararka
January 17, 2022

Guddoomiyaha golaha shacabka oo saxiixay buugga tacsida ee Ugaas Faracadde

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo booqday hoyga ay taalo gogosha…

GudahaWararka
September 17, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023