Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa xalay booqasho iyo salaan sharafeed ugu tagay Sheekh Cabdirashiid Cali Suufi, oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaaliyeed, kuna sugan magaalada Doha ee dalka Qatar.
Wasiirka ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Sheekha soo dhoweyntii diirranayd ee uu u fidiyey, isagoo sidoo kale Alle ka baryey in laga aqbalo ducadii kheyrka ahayd ee Sheekhu u jeediyey Ummadda Soomaaliyeed iyo Dalkeenna, kana dhigo mid la aqbalo oo khayr badan horseeda.
Ugu dambeyn, Wasiirku waxa uu Sheekh Cabdirashiid iyo dhammaan culimada Soomaaliyeed u rajeeyey caafimaad, cimri barako leh, iyo in Alle ku anfaco Ummadda Soomaaliyeed