Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska
    January 20, 2026
    Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira
    January 20, 2026
    Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac
    January 19, 2026
    Dowladda oo casuumaad u dirtay golaha mustaqbalka Soomaaliyeed
    January 19, 2026
    Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay agaasimaha Hay’adda maliyadda caalamiga ah (IFC) ee Bariga Afrika
    January 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska
GudahaWararka

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

By SB
Last updated: January 20, 2026
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta furay shir muhiim ah oo Guddiga Hagidda Barnaamijka (Programme Steering Committee -PSC) ah, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska (Joint Police Programme – Phase II).

Shirka oo uu Wasiirku si wadajir ah ula guddoominayay bah wadaagta caalamiga ah, ayaa ujeedkiisu ahaa dib-u-eegis iyo ansixin Qorshaha Shaqo iyo miisaaniyadda Sanadka 2026-ka si loo dardargeliyo loona xoojiyo hirgelinta barnaamijka.

Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirrada Amniga Dowlad Goboleedyada, Kaaliyaha gaarka ah ee Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, saraakiil ka tirsan Booliska, iyo wakiillo ka socday UNDP, UNTMIS, UN Women, IOM, AUSSOM, iyo sidoo kale Midowga Yurub (EU) iyo Boqortooyada Midowday (UK).

Intii uu socday shirka, waxaa si faahfaahsan looga dooday heerka hirgelinta JPP II, isku-duwidda howlaha heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed, casharrada laga bartay wajiyadii hore, iyo tallaabooyinka lagu dardargelinayo gaarsiinta adeegyada amni ee bulshada.

Shirka ayaa si rasmi ah u loogu ansixiyay Qorshe Sanadeedka JPP II ee 2026-ka iyo miisaaniyaddiisa, taas oo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu tayeynayo hay’adaha amniga dalka, gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay u yeeshaan awood dheeri ah oo ay ugu adeegaan shacabka, una xoojiyaan xasilloonida dalka.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa uga mahadceliyay deeq-bixiyeyaasha iyo bah-wadaagta taageeradooda joogtada ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in Barnaamijka JPP II uu door muhiim ah ka qaadanayo dhismaha Boolis tayo leh, hufan, isla xisaabtan leh, isla markaana si dhow ula shaqeeya bulshada Soomaaliyeed.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta furay shir…

January 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya oo gashay kaalmaha ugu horeya tartanka ciyaarta oradka

Muqdisho(SONNA):-Soomaaliya ayaa kamid noqotay 10-Wadan ee kaalmaha ugu horeya ka galay tartanka ciyaarta  oradada (Olympic) oo lagu qabatay Dalka Japan…

GudahaWararka
August 3, 2021

In ka badan 50 Khawaarij ah oo lagu dilay hawlgal ka dhacay Galgaduud

Masagawaa (SONNA): Hawlgal qorshaysan oo ay galabta ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa deegaanada…

GudahaWararka
July 15, 2024

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya oo soo qabtay xubbin sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada kumaandooska ah ee Danab guutada 1-aad ayaa qaaddey weerer lagu soo qabtay xubbin sare oo ka tursan Alshabaab agagaarka…

GudahaWararka
March 24, 2020

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐞𝐲 𝐪𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧n𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐚𝐲𝐬𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚, 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐭ay 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨

Muqdisho(SONNA):-kulankan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan barnaamijka Caafimaadka Mideysan (One Health), waxaa ka soo…

GudahaWararka
February 23, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023