Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa soo xiray Qalin-jabinta Dufcaddii Ciidanka Daraawiishta oo si dhamaystiran u helay Xirfadaha Ciidanimo.
Taliyaha ayaa Midowga Yurub uga Mahadceliyey Taageerada ay dhankooda ku bixiyeen Tababbarka , waxaana uu Ciidamada cusub ee Wiilasha iyo Gabdhaha isugu jira Kula dardaarmay inay la jaan qaadaan Horumarka balaaran ee qeybaha Ciidanka lagu kordhiyey.
