Muqdisho (SONNA) – Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa maanta ka qeybgalay xafladda daahfurka xarunta Badbaadada iyo Samatabixinta dhibaatooyinka ka dhaca badaha Soomaaliya.
Xafladda ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qeybgalay masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, saraakiil ciidan, iyo marti sharaf kale.
Xaruntan ayaa loogu talagalay inay wax ka qabato dhibaatooyinka ka dhaca xeebaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kalluumeysiga sharci-darrada ah, burcad-badeednimada iyo badbaadinta dadka ku xayiran xaaladaha deg degga ah ee ka dhaca badaha.
Wasiirka ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyay ku sheegay in xaruntani ay muhiimad weyn u leedahay xoojinta nabadgelyada iyo samatabixinta, isagoo ku boorriyay hayโadaha ku shaqada leh inay si dhow u wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo amniga badda iyo badbaadada muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay qorshayaal lagu tayeynayo hawlgallada la xiriira badbaadada iyo la dagaallanka caqabadaha ku xeeran badda Soomaaliya, iyadoo lala kaashanayo hayโadaha maxalliga iyo kuwa caalamiga ah.
Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid waxtar weyn u leh dadaallada lagu sugayo amniga iyo horumarinta kheyraadka badda Soomaaliyeed.