Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay xoojinta xiriirka dhiggiisa Shiinaha
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay xoojinta xiriirka dhiggiisa Shiinaha
GudahaWararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay xoojinta xiriirka dhiggiisa Shiinaha

By SB
Last updated: June 12, 2025
3 Min Read
Share

Changsha(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa kulan heer sare ah kula yeeshay maanta Magaalada Changsha ee gobolka Hunan, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Mudane Wang Yi, oo sidoo kale ka tirsan Guddiga Siyaasadda ee Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha.

Kulankan oo dhacay xilli ay socdeen Bandhigga 4aad ee Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika, iyo shirkii Wasiirrada Isku-duwayaasha FOCAC, ayaa ku beegmay sanad-guuradii 65-aad ee xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Shiinaha, waxaana Soomaaliya ahayd waddankii ugu horreeyay ee Bariga Afrika xiriir la sameeya Shiinaha 1960kii.

Labada dhinac waxa ay mar kale xaqiijiyeen saaxiibtinimada qotada dheer ee ka dhaxaysa, is-ixtiraamka joogtada ah, iyo sida ay uga goโ€™an tahay sii xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhawaan la kordhiyay.

Wasiir Cabdisalaan Dhaay ayaa uga mahadceliyay dowladda Shiinaha taageerrada ay siisay Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee dalku soo maray. Waxa uu xusay in Soomaaliya ay mudnaanta siinayso xoojinta iskaashiga ganacsiga iyo suuq-geynta badeecadaha Soomaaliyeed, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo maalgelinta kobcinta awoodda aadanaha iyo adeegyada dhijitaalka ah, si waafaqsan qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Dhankiisa, Wasiir Wang Yi ayaa ku ammaanay Soomaaliya kaalinta ay ka qaadatay taageeridda Shiinaha ee soo noqoshadii ay ugu soo laabatay masraxa caalamka, wuxuuna muujiyay qadarin weyn oo uu u hayo mabdaโ€™a cad ee Soomaaliya ka taagan tahay arrimaha Shiinaha. Waxa uu ballan qaaday in Shiinuhu si buuxda ula shaqeyn doono Soomaaliya si loo hirgeliyo mashaariic wax ku ool ah oo hoos yimaada FOCAC, kuwaas oo diiradda lagu saarayo natiijooyin muuqda oo nolosha shacabka wax ka beddela.

Wang Yi waxa uu sidoo kale sheegay in Shiinuhu diyaar u yahay ballaarinta iskaashiga dhaqaale, isagoo dhiirrigelinaya maalgelinta shirkadaha Shiineeska ee ka shaqeynaya Soomaaliya, si kor loogu qaado wax-soo-saarka gudaha, warshadaynta, iyo xoojinta hayโ€™adaha dowladda.

Labada wasiir waxay si buuxda u muujiyeen inay si dhab ah u garab taagan yihiin midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee dalalkooda. Waxa ay si cad u muujiyeen inay diyaar u yihiin inay si wadajir ah uga shaqeeyaan mustaqbal ay ku saleysan tahay nabad, horumar, iyo iskaashi dhab ah oo miro-dhal ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya oo Yugaandha kaga qayb galaysa shir looga hadlayo damaca gurracan ee Itoobiya

Kampala-(SONNA)-Wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ahna wasiiru dowlaha wasaaradda Cali Cumar (Cali Balcad…

GudahaWararka
January 17, 2024

Wasiirka caafimaadka oo guddoomiyey shirka guddiga isku xirka hayโ€™addaha fuliya tallaalka

Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya oo manta shir guddoomiyey shirka guddiga isku xirka hayโ€™addaha fuliya arrimaha tallaalka.…

GudahaWararka
July 9, 2025

Gaza: ICRC oo sheegtay in la beegsaday kolonyo sidday sahay gargaar

Maamulka Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah ICRC ayaa sheegtay in ciidamada Israaโ€™ii ay Gaza ku beegsadeen kolonyo ka kooban shan…

Caalamka
November 8, 2023

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo sheegtay in ay korortay tirada dhimashada khawaarijta lagu laayay Jubbaland

Muqdisho(SONNA):-Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Labo X/le Sheekh Abuukar Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay sii korortay tirada…

GudahaWararka
July 24, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023