Muqdisho(SONNA)-Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalo Xeebeedka Qadiimiga ah ee Hobyo gobolka Mudug.
Wasiirka, ayaa xarigga ka jaraya Mashaariic kala duwan oo deegaanka uu ka hirgeliyay oo uu ka mid yahay Dugsigii sare ee ugu horeeyay oo ay yeelato degmada Hobyo, waxaana xusid mudan in Wasiirka uu bixiyay dhulka laga dhisay dugsiga iyo kharashka lagu dhisay intaba.
Sidoo kale, Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, ayaa dhagax dhigay Isbitaal wayn oo adeegyada Caafimaadka oo dhan ay ka heli doonaan dadka deegaanka, xilli baahi wayn oo xagga caafimaadka ah ka jirto degmada Hobyo.