Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska XFS Mudane cabdirahman Yuusuf Cumar Al Cadaaala oo safar shaqo ku jooga dalka Mareykanka ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Washington.
Wasiirka waxaa soo dhaweeyey Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka, Ambassador Dahir Hassan Arab iyo hawl-wadeennada Safaaradda.
Wasiir Al Cadaa ayaa madaxda Safaaradda ku bogaadiyey dadaalka ay ugu jiraan inay u adeegaan dadka Soomaaliyeed ee xilliyada qaar ay soo wajahaan daruufo adag.
Danjire Dahir Hassan Arab ayaa Wasiirka si qoto dheer ugalahadlay howlaha Safaaradda iyo shaqooyinka joogtada ah ee ay qabtaan maalin kasta.