Kuwait(SONNA):- Wasiirย Ku-Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa Shirka Guddiga Sare ee Machadka Qorsheynta Carabta (Arab Planning Institute) ee 2025, uga qayb galay Kuwait.
Shirka ayaa lagu gaaray goโaamo muhiim ah oo kor u qaadaya awoodda machadka taasoo ku aaddan daboolidda baahida qorsheynta ee dalalka Carabta.
Waxaa sidoo kale kulanka lagu ansixiyay miisaaniyadda iyo qorshaha shaqo ee machadka ee 2025, saldhigga u noqon doona iskaashi horumarineed oo waxtar leh.
Soomaaliya waxay si joogto ah uga dhex muuqataa guddiyada iyo hawlaha machadka, taas oo muujinaysa sida ay uga goโan tahay hirgelinta yoolalka horumarineed ee Qaran iyo kuwo Goboleedka.