Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyada XFS Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa xarunta gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, waxaa ku soo dhaweeyey qaar ka mid ah Xildhibaanada laga soo doorto Minnesota oo ay ka mid yihiin Hodan Xasan, Maxamuud Nuur iyo Samakaab Xuseen.
Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hayโadda People Action ee fadhigeedu yahay gobolka Minnesota iyo waliba Xildhibaan Samakaab Xuseen.
Wasiirka ayaa kawar bixiyey xaalada dalka iyo hormarka dowladda Soomaaliya ay ka samaysay arrimaha deyn cafinta iyo waliba guulaha laga gaaray Amniga.