Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgallo lagu naafeeyey Khawaarijta oo ka dhacday Shabeelooyinka
    March 31, 2026
    Dowladda oo ahmiyad gaar ah siinaysa sugnaanta cunnada
    March 31, 2026
    Guddoomiyaha Guddiga madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo shir caalami ah uga qayb galay Geneva
    March 31, 2026
    Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha golaha shacabka oo Baydhabo gaaray
    March 31, 2026
    Xulka K/Cagta Qaranka oo caawa la ciyaaraya dhiggooda Mauritius
    March 31, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasiir Fiqi oo ka warbixiyay wadahadaladii ka dhacay dalka Turkiga ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiir Fiqi oo ka warbixiyay wadahadaladii ka dhacay dalka Turkiga ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya
GudahaWararka

Wasiir Fiqi oo ka warbixiyay wadahadaladii ka dhacay dalka Turkiga ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

By Khadar Mahdi
Last updated: August 22, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho, (SONNA): Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ayaa ka hadlay qodobbo dhowr ah oo ku saabsan halka ay marayaan wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka ayaa dhaliilay hadallo ka soo yeeray mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya, oo ay ku sheegeen in ciidamada Itoobiya ay “si qasab ah” ku joogaan Soomaaliya, isagoo carabka ku dhuftay in hadaladaasi ay sii adkeynayaan Xaaladda jirta.

Wasiirka oo ka jawaabayay hadaladii Itoobiya ee ahaa in ay jiraan ciidamo Itoobiyaan ah oo dhiig u huray difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ay sidoo kale gacan ka geysteen dilka in ka badan 20 kun oo Soomaali ah sanadihii 2007-2008, sidoo kalena ay burburiyeen hanti dadweyne, ayna sababeen barakaca 800 kun oo qof.

“Waa jiraan Ciidamo Itoobiya iyo guud ahaan howlgalka ATMIS uga dhintay dagaalka lagula jiro Khawaarijta balse taas micnaheedu ma ahan aan baddaada iyo dhulkaaga qaato, intaas waxaa ka badan inta nooga dhintay si dalka looga xoreeyo gumeysiga”

Wasiirka ayaa intaasi ku daray inaysan jirin wax gooya qiimaha wadajirka dhuleed iyo badeed ee Soomaaliya, hadii ay tahay maal ama dhiigba.

Gabagabadii, Wasiirka ayaa bogaadiyay mowqifka dowladda Turkiga ay ku dooneyso in xal looga gaaro xiisadan, isagoo rajeeyay in wareegga soo socda uu ka soo baxo xal ku saleysan ixtiraamka shuruucda caalamiga ah.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgallo lagu naafeeyey Khawaarijta oo ka dhacday Shabeelooyinka

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay…

March 31, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Mahdi Guuleed “Saaka waxaan goob joog u nahay doorashada Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka “

Muqdisho(SONNA);-Waxaa maanta Magaalada muqdisho ka dhaceyso doorashada Guddoonka cusub ee Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha,waxaana munaasabadda ka qeybgalayo masuuliyiin katirsan…

GudahaWararka
December 2, 2024

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta musiibooyinka oo la kulmay Safiirka Turkiga

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Hay'adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle  ayaa Maanta la kulmay safiirka Turkiga ee Soomaaliya iyo Madax…

GudahaWararka
March 14, 2023

GUDDOOMIYAHA AQALKA SARE OO KULAN LA QAATAY WAKIILKA XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY (WXG EE QM)

MuqdishoS0NNA-Guddoomiyaha Aqalka Sare BFS Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Marwo…

GudahaWararka
August 13, 2023

Madaxda Sacuudiga oo qoraal la xiriiray gubidda Qur’aanka u diray Denmark

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa   Diblomaasi Danmark ah u dhiibay qoraal lagu dalbanayo in la jooojiyo falalka foosha xun ee ka…

Gudaha
July 28, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023