Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiir Fiqi oo ka hadlay wada hadallada Soomaaliya iyo Ethiopiaย 
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiir Fiqi oo ka hadlay wada hadallada Soomaaliya iyo Ethiopiaย 
GudahaWararka

Wasiir Fiqi oo ka hadlay wada hadallada Soomaaliya iyo Ethiopiaย 

By Kanaava Mohamed
Last updated: November 9, 2024
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA]:-Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo wareysi siiyay warbaahin Qaranka oo xog cusub ka bixiyey halkii ay ku dambeeyeen wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in wadahadallada wareegga 3-aad ay hakad u galeen mashquul labada dhinac ah taasoo ka dambeysay shirkii guud ee Qaramada Midoobay oo soo dhax-galay, waxuuna tilmaamay in dowladda Turkiga dadaal xooggan ku bixineyso in natiijo laga helo shirka loo madlanyahay.

โ€œWadahadalaas way soo socdeen runtii, bishii 7-aad iyo 8-aad waa la fadhiistay wareegga 2-aad, midka 3-aad ayaa loo balansanaa bishii 9-aad taasi ma dhicin, shirkii QM ayaa soo dhax-galay dib ayaa loo dhigay, balse howshaas wali way socotaa dowladda Turkiga dadaal xooggan ayay wadaa balse meesha uu gaari karo ma qayaasi karno, waxaana rajeyneynaa inuu guul ku soo dhamaado oo miirka u soo laabto madaxda hadda ka tilisa Ethiopia ayna runta u soo jeestaanโ€ ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS ayaa u sheegay Madaxda Ethiopia inay xaqiidda u soo laabtaan oo runta isu sheegaan, si wadallo natiijo leh loo gaaro, isagoo ka rajeeyay kulanka 3-aad mid natiijo ay ka dhalato.

โ€œEthiopia haday maalgalin rabaan Barbara ayay qeyb ka heleen, laakiin marabaan, xitaa Jabuuti ayaa dhahday bad ayaan idin siineynaa marabaan way ka muuqataa inaysan ka jawaabin. Waxuu is tusay riyo been ah, kuwaa been u sheegay in Soomaaliya jilicsantahay oo waxeeda la qaadan karo, balse taas sax ma ahan oo waxaa diiday Soomaaliya iyo dhamaan dowladaha Adduunka iyo hay’adaha caalamiga sid QM iyo AUโ€ ayuu intaas ku daray Wasiirka.

Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa xasuusiyay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed in taliskii isaga uu kamid ahaan jiray waxa soo ka raacay xadgudubkii dhawaa kaas oo ay ku doonayeen inay Soomaaliya ku qabsadaan balse ugu dambeyn iyagii loo tuugay inay nabad ku baxaan oo jidka loo galin.

โ€œHoggaankii hore waa tii isagana soo haweystay dhulka Soomaaliyeed soona galiyay ciidammo gaaraya 50 kun, maxay dhaxalsiisay taas, in la codsaday inay ciidankooda nabad-galyo ku baxaan oo aanan jidka loo galin, iyagoo xaalka ku xunyahanya xaduudka ka baxeen, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed wuu hurdayaa Taariikhdaaas ma akhrin, waliba ah mid dhow oo isaga uu ahaa sargaal wayn oo ka tirnaa nidaamkii xiligaasโ€ ayuu yiri Mudane Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa ugu dambdeyn sheegay inay Soomaaliya diyaar u tahay heshiis waa hadii nidaam sax loo soo maro oo quwaaniinta caalamiga ah la ixtiraamo balse taasi Ethiopia iska indha tireso.

โ€œSoomaaliya heshiis ma diidano baddaan Allaa nasiiyay, in laga faa’ideysto oo kheyraadka ku jira laga soo saaro, hadii dowladda Dariska canshuur looga heli karo oo wax kala soo dagaan dowlad Soomaaliyeed heshiis lala galaya wax diidaya majiraan, waxaa la diidanyahay waa ciidan ayaa geysanayaa, waana taas midda dowladda diiday balse waxii heshiis ah diyaar ayay u tahayโ€.

Taliska Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa bishii January ee sanadka heshiis beenaad ah la galay maamulka Hargeysa ee Waqooyiga Soomaaliya, taasoo uu kula kulmay waji gabax diblomaasiyadeed, kadib markii dowladda Soomaaliya qaaday talaabooyin lagu diiday xadgudubkaas.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra”iisul wasaaraha XFS oo kormeer dhiirigelin ah ugu tegay Ciidanka Xasillinta

Muqdisho(SONNA):-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer dhiirigelin ah ugu tagey ciidanka xasillinta caasimadda ee…

GudahaWararka
November 17, 2023

Afhayeenka ATMIS oo ka hadlay ka bixitaanka ciidamada ATMIS ee Madaxtooyada Qaranka

Muqdisho (SONNA):- Ciidamada Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya ee loo yaqaan (ATMIS), ayaa 16 Sano ka dib…

GudahaWararka
December 17, 2023

BJFS oo maanta bilaabay ka doodista cutubka 3-aad ee Dastuurka KMG ah

Muqdisho (SONNA):- Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta shir guddoomisay…

GudahaWararka
March 6, 2024

Wasaaradda caafimaadka XFS ayaa shaacisay labo xaaladood oo cusub oo ah coronavirus

Muqdisho:(SONNA)-Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa sheegtay in laga helay Soomaaliya Labo kiis oo cusub oo ah cudurka Coronovirus dadka qaba caabuqaan…

Wararka
April 4, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023