Muqdisho, (SONNA): Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Maktabadda buugaagta ee Machadka Diblomaasiyadda, xilli uu sidan oo kale dabayaaqadii toddobaadkii hore u daahfuray koorsooyin lagu baranayo afafka khalaad.
Wasiir Fiqi, ayaa caddeeyay daahfurka Maktabadda buugaagta ee Machadka Diblomaasiyadda in lagu gaarayo kaydinta iyo akhriska qoraallada, buugaagta iyo cilmi-baarista la xiriirta diblomaasiyadda iyo kuwa waxtarka leh.
Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda, Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh, ayaa daahfurka Maktabadda ka shaaciyay inay u furantahay aqoonyahanka, qoraayaasha iyo cid walba oo buugaagta iyo qoraallada dhaxal-reeb aqooneed leh inay soo gaarsiin karaan Maktabadda, oo ku dhex taalla xarunta Wasaaradda.
Tallaabooyinkan ayaa qeyb ka ah qorshaha horumarinta iyo kobcinta aqoonta diblomaasiyiinta.