Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo masโuuliyiin kale oo la socday ayaa booqasho howleed ku tagay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TURKSOM.
Wasiirka oo si diiran loogu soo dhaweeyay xarunta dugsigaasi ayaa salaan sharaf ka qaatay saraakiisha Turkiga iyo ardayda Soomaaliyeed ee tababarka ku qaadanaya halkaasi.
Kulanka booqashada wasiirka oo uu goob joog ka ahaa Safiirka Tรผrkiye ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaล waxaa ย halkaasi la isku dhaafsaday ereyo la xiriiray xoojinta iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Tรผrkiye.
Dhinacyadaasi waxaa kaloo ay ka hadleen doorka muhiimka ah ee Dugsiga TURKSOM ee uu ka qaato dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
ย 