Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta
    January 31, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka
    January 31, 2026
    Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga
    January 31, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Turkiga oo Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay Barnaamijka Tababarka Baarista Maaliyadda
    January 31, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiir Faarax Cabduqaadir “Macallimiinta seddexda kun ah laguma qeybin doono nidaamka qabiilka”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiir Faarax Cabduqaadir “Macallimiinta seddexda kun ah laguma qeybin doono nidaamka qabiilka”
GudahaWararkaWaxbarashada

Wasiir Faarax Cabduqaadir “Macallimiinta seddexda kun ah laguma qeybin doono nidaamka qabiilka”

By Bile
Last updated: February 6, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo fulinaysa amarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kalena gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah ee baahinta waxbarashada aas-aasiga ah si ubad kasta oo Sooomaaliyeed ee gaaray daโ€™da waxbarashada u helaa waxbarasho tayo leh oo lacag laโ€™aan ah ayaa wasaaraaddu waxaa ay daah furtay hannaanka lagu shaqaaleysiinayo 3000 macallin oo ka hawlgeli doona Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banadir.

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudan Faarax Sheekh Cabduqaadir oo ka hadlay munaasabadda lagu daahfurayay hanaanka qaadashada mucalimiinta ayaa is dul taagay hannaanka iyo habraaca loo marayo shaqaaleysiinta 3000 ee macallin, waxaana uu tilmaamay in la raacayo hannaan wasaaraddu dajisay oo cadaalad ah, una siman dhamman Ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Faarax Sheekh Cabduqadir ayaa sheegay in dhibatooyinka dib u dhigay ee la haray dowladdnimada iyo bulshadda ee ay kamid ka yihiin dagaalada, musuqa, amni xumida, xassilooni darada, gaajada iyo dhammaan qodobada ee la xusi karo in aqoon laโ€™aantu keentay.

“Markaan ka baxno halka ugu hooseysa ee liiska waxbarashadda ayaan ka baxeyna halka ugu hooseysa ee liiska musuqa iyo horumarka, Dhinac kaste eeg, xal aan waxbarasho ahayn oo dalkeennu iyo dadkeennu leeyahay ma jiro, ย haddii ay tahay jahli, haddii ay tahay dagaal, haddii ay tahay khilaaf iyo xitaa kuwa na qarxinaya intaba waxaa ay ka yimaadeen aqoon laโ€™aan” ayuu yiri wasiirka waxbarashadda

Wasiirka Faarax Macalin oo tilmaamayey muhiimadda Macalinka ayaa yiri ย โ€œBeni aadanku marka ay adduunka yimaadan waxaa ay ku kala horumaraan waa macalinaka, cidda wax baertay,marka iyagoon waxba aqoonin ayey adduunyada ku soo biiraan, haddii ay kala horumarsan yihiinna, waa sida wax loo baray, ummaduhuna sida ay u kala horumarsan yihiin waa sida ay wax u barteenโ€

Wasiirka waxbarashadda oo ka xog bixiyay baahida macaliinta ee jirta ayaa sheegay in 120,000 oo macalimiin ah loo baahan yahay, aadna ay u yar tahay tirada haatan la qorsheeyay ee ah 3000 macallin, waxaana uu tilmaamay in dhaqaalaha lagu shaqaaleysiinayo macalimiinta ay ka timid canshuurta laga qaado dadka Soomaaliyeed.

“Markii wasaaradda waxbarashadda la ii magacaabay waxaan qoray codsiyo kala duwan oo ku aadan baahida waxbarasho balse jawaab kama helin, in la shaqaaleysiiyo 3000 macallin waa jawaab ka timid shacabka Soomaaliyeed ee bixiyay canshuurta, si canshuurtaas mushaar looga dhigo macalimiinta Soomaaliyeed”/ ayuu sheegay Faarax Cabduqaadir.

Dhanka kale wasiirka oo ka hadlay hannaanka loo qaadanayo macalimiinta, ayaa tilmaamay in xulashadda iyo qaabka loo shaqaaleysiinayo macalimiinta ay tijaabo ku tahay wasaaradda waxbarashadda, qof walbana ay ku soo dhaceyso in loo mari doono hannaanka wax lagu qeybsado ee 4.5 ama in xildhibaan, Siyaasi iyo oday dhaqameed inay keenayaan macalimiinta. Balse waxaan goโ€™aan sanahay inaan qaadno wado taas ka duwan oo ah hannaan iyo hab-raac loo siman yahay oo wasaaraddu dajisay.

โ€œMacallimiinta seddexda kun ah laguma qeybin doono nidaamka qabiilka 4.5, Xildhiban ama siyaasina ma keeni doono, waxaa loo maraya hannaan hufan oo ka bilaaabanaya hubinta dhammaan dokumeentiska iyo shahaadooyinka ay soo gudbistaan codseyaasha illaa imtixaanka guud ee la wada galayo,iyadoo ugu dambeyn loo furayom imtixaan soconaya lix bil oo lagu baranayo habka waxbaristaโ€ ayuu yiri wasiir Faarax Cabduqaadir

 

TAGGED:Wasiir Faarax Cabduqaadir "Macallimiinta seddexda kun ah laguma qeybin doono nidaamka qabiilka"
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Delhi(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali ,…

January 31, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Habraaca Xallinta Khilaafaadka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Muqdisho, (SONNA)-Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, asagoo fulinaya Habraaca Hirgelinta Heshiiska Siyaasadeed ee Hagaya Doorashada dadban 2020/2021…

Gudaha
July 24, 2021

Ciidanka AMISOM oo Agab caafimaad ugu deeqay qaar ka mid ah barakacyaasha Muqdisho+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Ciidanka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika Soomaaliya ee AMISOM ayaa agab loogu talo galay ka hortaga xanuunka…

WararkaWargayska
February 7, 2021

MARWADA KOOWAAD EE DALKA OO XARIGGA KA JARTAY ISBITAALKA MAGAALADA BARAAWE

Muqdisho(SONNA)Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo xarigga ka jartay isbitaalka hooyada iyo dhallaanka magaalada Baraawe ayaa ku…

GudahaWararka
August 28, 2021

Guddoomiye Sh. Aadan Madoobe oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay curashada sanadka cusub ee Hijriyada 1445

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madobe) oo ku hadlaya magaciisa iyo kan Xildhibaannada…

GudahaWararka
July 19, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023