Muqdisho (SONNA):- Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) oo khudbad ka jeediyay shir qaran ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta ayaa uga hadlay dhibaatada Fatahaadaha.
Wasiir Beenebeene ayaa ka hadlay baahiyaha aasaasiga ah ee dadka ku barakacay fatahaadda, iyo caqabadaha soo wajaha, sida go’doominta biyaha daadadka & Biyo/Cunto yarida.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in shantii ceel biyood ee magaalada Buulaburde 4 ka mid ah ay dumiyeen daadad ka dhashay fatahaadda wabiga Shabeelle.
“Dowladdu waxay doonaysaa inay mudnaan siiso mashaariicda horumarineed, laakiin masiibooyinka dabiiciga ahi waxay nagu khasbaan inaan dib u dhigno qorshahaas si aan wax uag qabanno xaaladda bani’aadamnimo ee taagan.” ayuu yiri wasiirka.
Shirka qaran oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta oo kaashaneysa Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Adduunka ayaa socon doona muddo 3 maalmood ah.