Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga
    September 28, 2025
    Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Wasiir Axmed Fiqi oo sheegay in Wasaaraddiisu xoojinayso wadashaqaynta ay la leedahay qurbajoogta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiir Axmed Fiqi oo sheegay in Wasaaraddiisu xoojinayso wadashaqaynta ay la leedahay qurbajoogta
GudahaWararka

Wasiir Axmed Fiqi oo sheegay in Wasaaraddiisu xoojinayso wadashaqaynta ay la leedahay qurbajoogta

By Kanaava Mohamed
Last updated: March 16, 2025
1 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA)– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa xalay ka jeediyay khudbad xaflad af-fur ah oo Waaxda Qurbajoogta iyo Jaaliyadaha ee Wasaaradda ay soo qaban-qaabisay oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda, isaga oo sheegay kaalinta wax ku oolka ah ee Qurbajoogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dib-u-kabashada iyo horumarka qaran ee dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in qurbajoogta Soomaaliyeed ay kaalin wacan ku leeyihiin dadaallada dib-u-kabashada, maalgeshiga iyo dib-u-dhiska dalka , isaga oo xusay in dhismaha Xarunta Maamulka Arrimaha Qurbajoogta Soomaaliyeed la guda-galay, bilooyin gudahooda ay ku idlaan doonto.

Wasiirka ayaa ku dhiirrigeliyay Agaasimaha Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta, Dr. Maxamed Xuseen Gaas, inuu dardargeliyo wadashaqaynta dhow ee qurbajoogta iyo dadka ku soo guryo-noqday dalka ay la leeyihiin waaxda si loo adkeeyo kaalintooda muuqata ee horumarka leh.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay ahmiyadda ay leedahay bisha barakaysan ee Ramadaan, isaga oo tilmaamay fadliga soonka iyo ka shaqaynta adeegga bulshada inta lagu gudo-jiro bishani fadliga ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Magaalada Dooxa ee Dalka Qatar “SAWIRRO”

Dooxa (SONNA) - Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa…

Wararka
November 16, 2019

Dowladda Oo Wax Ka Bedeshay Bandawga Qeybta Ka Ah Dadaallada Lagu Xakameynayo Faafitaanka COVID-19

Muqdisho (SONNA)- Laga bilaabo habeenka ugu horreeya ee bisha Ramadaan, Bandowga xilliyadda habeenkii saarnaa magaalada Muqdisho ayaa muda hal saac…

Wararka
April 22, 2020

Madaxweynaha Soomaaliland oo soo dhaweeyey raali gelintii madaxweynaha JFS uu bixiyay

Muqdisho(SONNA) Soomaaliland ayaa ka hadashey talaabadii uu  qaaday madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,taasi oo ahayd raali gelintii…

Wararka
February 18, 2020

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay kulan looga hadlayey Horumarinta iyo Kobcinta Dhaqaalaha Dalka

Muqdisho(SONNA);-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo furay kulan aqoon is weydaarsi ah oo ku saabsan…

GudahaWararka
May 6, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023