Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga ayaa ku boorisay xujeyda sanadkan ee haysata visaha ama ogalaasha xajka ee mareegta NUSUK inay goor hore u diyaar garoobaan safarka Xajka si uu ugu fudaado oo aysan ula kulmin dhibaato, iyagoo raacaya talooyinka wacyigalineed ee wasaaradda Xajka ama hay’adaha rasmiga ee arrimaha Xajka ee wadamadooda.
Qoraalo isdaba joog ah oo ay Wasaaraddu ku baahisay Baraheeda bulshada ayay ku soo bandhigtay talooyin ku saabsan sidii ay Xujayda ugu diyaar garoobi lahaayeen, isla markaana meesha looga saaro inay ku dhiboodaan safarka, waqtina u hilaan hubinta dukumentiyada socdaalkooda inta aysan aadin garoomada diyaaradaha, islamarkaana ay qaataan agabyo fudud.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay kula talisay xujayda inay jir ahaan u diyaar garoobaan si ay uga fogaadaan dhibaato ka soogaarto ciriiriga jira xiliga xajka, iyadoo ku boorisay inay xirtaan gabaha nooca sports-ka, iyo kuwa leh caafimaadka, ayna fogaadaan cunnooyinka leh cayilka oo ay qaataan nasasho ku filan, islamarkaana cabaana biyo badan.