Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
    Taliyaha Booliiska oo shirguddoomiyey shirka hoggaanada Booliiska
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasaaradda xajka Sacuudiga oo bilowday Ololaha Wacyigalinta Xujeydaย 
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Caalamka > Wasaaradda xajka Sacuudiga oo bilowday Ololaha Wacyigalinta Xujeydaย 
Caalamka

Wasaaradda xajka Sacuudiga oo bilowday Ololaha Wacyigalinta Xujeydaย 

By Kanaava Mohamed
Last updated: May 19, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Xajka iyo Cumrada dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo kaashanaysa dhiggeeda dalalka Islaamka ayaa ayaa billowday olole caalami ah oo wacyigelin oo lagu gaarsiinayo fariimo ku saabsan ku-dhaqanka awaamiirta xajka iyo gudashada cibaadada kana fogaadaan waxkasta oo xajkooda ka xumeyn kara. Fariimahaaas oo ku baxaya 15 luqadood oo ah kuwa ugu badan ee looga hadlo uguna baahsan adduunka.

Ololaha wacyigelinta ah ayaa waxaa ka mid ah in lagu faafiyo awaamiirta iyo shuruucda loo marayo xajka warbaahinta qeybaheeda kala duwan iyo wacyigalin laga sameynayo 20 garoon diyaaradeed oo dalka Sacuudiga ah, iyo in isku xir loo sameynayo xarumaha Islaamiga ah iyo tirokoobyada si fariimaha wacyigalinta ah loo gaarsiiyo dhammaan dadka doonaya inay soo gutaan waajibaadka xajka ee sanadkan.

Sidoo kale Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa waxay dhaqan galisay fariimo dadka lagu baraya hanaanka gudashada Xajka iyo Cumrada, kuwaas oo laga baahinaya diyaaradaha ku sii socda dalka Sacuudiga ee sida xujeyda, iyadoo dadka lagu gaarsiinayo luuqado ay fahmi karaan.

Wasaaraddu oo dhowr qoraal ah soo dhigtay baraheeda rasmiga ah ee baraha bulshada ayaa dadka la wadaageyso fariimo wacyigalin iyo toosin ah waxayna tiri โ€ Markaad u socoto Xajka, akhri hagaha wacyi-gelinta sharciga ah, oo baro xuquuqdaada iyo waajibaadka ku saaran iyo ujeedka aad u socota adigoo raacaya nuxurka Xajka, Cumrada iyo Wacyigelinta ku qoran luqadda adiga kugu habboonโ€.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa marti-sharafta Alle u soo bandhigtay tilmaamo badan oo sharraxaad ah, waxaana ka mid ahaa: Tusaha Masjidka Xaramka, Tusaha Masjidka Nabiga NNKH, Tusaha Adeegga Masjidka Nabiga, NNKH, iyadoo dhanka kale suurtogelisay mareegyo dadka xujeyda ah ka heli karaan hanaanka sharuudaha xajka iyo wajibaadka laga doonaya xaajiga.

Xujeyda Soomaalida oo sannadkaan gaareysa 11 kun iyo 500 oo Xaaji ayaa ee ka kala baxaya Garoomada Diyaaradaha dala ayaa kamid ah dadka lagaarsiinayo fariimaha wacyigalinta ah ee wasaaradda Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ugu talagashay xujeyda sanadkan.

Dhanka kale wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ayaa iyana dadaal xoogan ugu jirto in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sanadkan xajinaya inay xajkooda u gutaan sida ugu wanaagsan, iyadoo ku dadaaleyso in dadku heleen fariimaha muhiimka u ah gudashada acmaasha xajka.

Si aad u hesho xog wacyi-gelin ah oo ku saabsan xajka guji linkigan

https://www.haj.gov.sa/

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Japan oo yeelatay Ra’iisal-wasaare cusub

Tokyo (SONNA)...Aqalka hoose ee baarlamaanka dalka Japan ayaa maanta oo arbaco ah u doortay Yoshihide Suga in uu noqdo raโ€™iisul…

CaalamkaWararka
September 16, 2020

Dadka Reer Falastiin oo bilowga Ramadaan wajahaya baahi iyo dagaal

Heyโ€™adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha biniโ€™aadanimada dadka reer Falastiin UNRWA ayaa sheegtay in deegaan kasta oo Falastiin ah ay…

Caalamka
March 11, 2024

Diyaaradaha isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga oo weeraray Yemen

Isbaheysiga uu hogaamiyo ย Sacuudiga ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay duqeymo dhanka cirka ah ku qaadeen bartilmaameedyo…

Caalamka
January 7, 2023

Madaxweynaha Burkiina Faaso oo xilka ka qaaday R/Wasaarihii dalkaasi

Madaxweynaha Burkiina Faaso Roch Marc Christian Kabore ayaa shaqada ka ceyriyay ra'iisul wasaarihii dalkaaasi,iyadoo ay sii kordhayaan qalalaaso ย dhanka ammnia…

Caalamka
January 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023