Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta
    January 10, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar
    January 10, 2026
    Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarriga ka jaray baarkin cusub oo uu yeelanayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde
    January 10, 2026
    Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasaaradda waxbarashadda oo warsaxafadeed kasoo saartay Imtixaanka Shahaadiga ah ee maanta furmay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasaaradda waxbarashadda oo warsaxafadeed kasoo saartay Imtixaanka Shahaadiga ah ee maanta furmay
GudahaWararka

Wasaaradda waxbarashadda oo warsaxafadeed kasoo saartay Imtixaanka Shahaadiga ah ee maanta furmay

By SB
Last updated: May 27, 2023
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha yo Taclinta Sare waxa ay guul weyn u rajaynaysaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee maanta oo ah 27ka bisha Maajo, 2023, u fariisanaya imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad, ee sannad-dugsiyeedka 2022/2023. Waxa ay Wasaaraddu sidoo kale bogaadinaysaa mas’uuliyiinta, hawlwadeenada, iyo ciidamada ammaanka ee maanta u taagan sidii ay ardaydu u heli lahaayeen jawi deggan oo habsami leh, oo ay imtixaanka shahaadiga ku galaan.

Waxa maalmihii la soo dhaafay jiray arday, sida ay warbaahinta iyo baraha bulshada la wadaageen, ka cabanayay in laga reebay liiska ardayda u fariisanaysa imtixaanka shahaadiga ah, ee fasalka 12aad ee sannad-dugsiyeedkan 2022/2023.

Wasaaradda Waxbarashada waxa ay baaris
ku sameeysay cabashooyinkii ardaydan, waxaana u caddaatay in ardaydani aysan soo marin habraacii sharciga ahaa ee sooyaalka waxbarashada, xogtooda ardaynimana aysan ku jirin xog-kaydiyaha guud ee waxbarashada dalka (EMIS). Waxaa ay Wasaaraddu baaris ku waddaa dugsiyadii sida baalmarsan sharciga sooyaalka iyo hannaanka waxbarashada dalka ku kacay, ee ardaydan aanan xogtooda la haynin ay wax ka baranayeen. Dugsigi ay ku caddaato in ay mas’uul ka yihiin fal-dambiyeedkan, waxaa la la tiigsan doonaa sharciga.

Wasaaradda Waxbarashadu waxa ay u taagan tahay ilaalinta hufnaanta habraaca waxbarshada dalka, Sidaa darteed, Wasaaradda Waxbarashadu waxa ay ku wargalinaysaa waalidka Soomaaliyeed in ay si weyn uga feejignaadaan dugsiyada aanan raacaynin habraaca iyo hannaanka sharciga ee u yaalla waxbarashada dalka, had iyo goorna ay hubiyaan sugnaanta xogta ardaynimo ee ubadkooda.

Ugu dambayntii, waxa ay mar kale Wasaaradda Waxbarashaddu guul u rajaynaysaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee sida habsamida u soo dhamaystay waxbarashadoodii 12 ” sanno, ee manta imtixaanka ugu dambeeya dugsiga sare u fariisanayo.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta, una qaabilsanaa degmada Baardheere falalka…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shirka sannad laha ah ee Garsoorka dalka oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho (SONNA)-Shirka sannadlaha ah ee Garsoorka dalka oo ay ka qeyb galayaan hayโ€™adaha cadaaladda heer federaal iyo heer maamul goboleed…

Wararka
January 13, 2021

Ra’iisal wasaare Xamse oo daah furay xafiiska gar-maqalka dadweynaha ee NISA

Muqdisho (SONNA): Raโ€™iisul wsaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre oo kormeer ku tagey xarunta Hay'adda Nabadsugidda iyo…

GudahaWararka
June 12, 2023

Sii hayaha R/wasaaraha XFS oo guddoomiyay shir looga hadlay xaaladaha degdegga ah ee ka jira. dalka

Muqdisho:(SONNA)-Sii hayaha Raโ€™iisul Wasaaraha dalka, mudaneย Mahdi Maxamed Guuleedย ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlay ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah ee dalka…

Wararka
August 4, 2020

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Rome uga qaybgalay shir caalami ah oo looga hadlay cuna yarida

Rome (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay shirka Qaramada Midoobey ee la dagaallanka cunto-yarida…

GudahaWararka
July 24, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023