Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare (WWH&TS) ee dowladda Federalka Soomaaliyeed iyadoo fulinaysa amarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,sidoo kalena gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah ee baahinta waxbarashada aas-aasiga ah si ubad kasta oo Sooomaaliyeed oo gaaray da’da waxbarashada uu u helo waxbarasho tayo leh oo lacag la’aan ah waxay wasaaraddu shaqaaleysiinaysaa 3000 macallin oo ka hawlgeli doona Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banadir.
Haddaba si loo helo macallimiin leh aqoon iyo khibrad ku filan oo ay wax Ku baraan ubadka Soomaaliyeed, WWH&TS waxay ballanqaadaysaa in shaqaalaysiinta macallimiinta loo mari doono hannaan daahfuran, kana f
fog eex iyo qof jeclaysi.
Munaasabadaan oo lagu daahfurayay hanaanka qaadashada mucalimiinta waxaa kasoo qaybgalay Wasiirada waxbarashada dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada, Wasiiro xildhibaanada 2 golle ee Baarlamaanka iyo Qaar kamida barayaadha waxbarashada dalka.
Lifaaqan ka codso.
https://codsigamacallinimada.emis.gov.so/menu.php?language=Somali