Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa maanta daahfurtay Deeq waxbarasho oo la siinayo 3,000 oo gabdhood.
Deeqdan oo loogu talagalay in kor loogu qaado aqoonta iyo xirfadda gabdhaha Soomaaliyeed, ayaa isugu jirtaa 3 qeybood oo kala ah: Kalkaaliso Caafimaad, Umulisinimo iyo Macallinnimo.
Furitaanka deeqdan waxbarasho ayaa waxaa ka soo qeybgalay, Wasiirka Wasaaradda Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiiru-dowlaha, Xoghayaha Joogtada, Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare, Guddoomiye-kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka, Agaasimaha Guud ee Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale.
Masโuuliyiinta xafladda daahfurka ka hadashay ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in sare loo qaado, lana xoojiyo waxbaridda iyo xirfad-siinta gabdhaha Soomaaliyeed.