Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska JFS ayaa Xafiiska Ra’iisul wasaaraha XFS u gudbisay Qorshe hawleedka wasaaradda ee 2023.
Iyada oo si dardar leh ay ku socdan gudbinta qorshe hawleedka Wasaaradaha Xukuumadda Danqaran, oo lagu jaangoynayo Barnaamijka Xukuumadda ee Sanadka 2023, Qorshaha Qaranka iyo aragtida Madaxweynaha, ayaa Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Hamza Abdi Barre waxa uu galabta ka guddoomay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daud Aweys Jaamac, ballan-qaadka qorshe howleedka wasaaradda.
Raโiisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee Wasaaradda in laga mira dhaliyo qorshooyinka & halbeegyada wasaaradda, isaga oo dhinaca kale ku boorriyay madaxda in la xoojiyo wadashaqaynta kala dhaxeysa heyโadaha kale ee dowladda, Isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, si guulo la taaban karo looga gaaro arrimaha horqabadka u leh Xukuumadda.