Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Natiijo Muhiim ah ka Helay Ciyaartii Isreeb reebka Qaramada Afrika
    March 27, 2026
    Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya oo ka Qaybgalay Shirkii Taliyayaasha Ciidamada Dhulka Afrika oo diiradda lagu Saaray Tiknoolajiyadda Casriga.
    March 27, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee  Dowladda Federaalka Soomaaliya
    March 27, 2026
    Xulka K/Cagta Qaranka oo galabta la kulmaya dhiggooda Mauritius
    March 27, 2026
    “Haa waan joojin karnaa” halkudhigga xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida
    March 27, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasaaradda isgaarsiinta oo hawlgalgalisay adeegii Boostada muddo dheer ka dib
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasaaradda isgaarsiinta oo hawlgalgalisay adeegii Boostada muddo dheer ka dib
GudahaWararka

Wasaaradda isgaarsiinta oo hawlgalgalisay adeegii Boostada muddo dheer ka dib

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: July 28, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda XFS Mudane Maxamed Aadan Macalin ayaa maanta si rasmi ah Muqdisho uga daahfuray dib-u-howlgelinta adeegga Boostada dalka.

Munaasabadda furitaanka adeegga boostada waxaa ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Maareeyaha Garoonka, Agaasimaha Kastamka Garoonka, hoggaanka amniga ee garoonka Adan cadde, Agaasimaha Waaxda Boostada ee Wasaaradda, iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Isgaarsiinta.

Agaasimaha waaxda Boostada ee wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, ayaa sharaxay marxaladihii adkaa ee la soo maray iyo sida Wasaaraddu waqti adag ugu bixisay in dib loo hawlgeliyo adeeggan muhiimka ah ee boostada, isagoo tilmaamay in laga soo bilaabo bishii May 2025, adeegga boostada dalka si rasmi ah u shaqeynayay, laguna bilaabay adeegyada dirista iyo helista Boostada (sending and receiving).

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Maxamuud Cabdulqaadir (JEEGO), Maareeyaha Garoonka Aadan cadde ee Muqdisho mudane Maxamed Siciid Cabdullaahi iyo maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Mudane Axmed Macallin Xasan oo ka hadlay munaasabadda dib-u-furitaanka ayaa si weyn u bogaadiyey dadaallada muuqda ee wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoljiyadda ay hormuudka ka tahay, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in dalka uu helo adeeg boosto casri ah oo la jaanqaadaya horumarka tiknoolajiyadda caalamka, taasoo xoojinaysa dowladnimada, isku xirka bulshada, iyo kobcinta adeegyada shacabka.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda XFS Xildhibaan Maxamed Somali ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo dib loogu soo celiyay adeeg qiimo weyn ugu fadhiya shacabka Soomaaliyeed, kadib ku dhawaad 36 sano oo hakad ku jiray adeeggii boostada.

“Guushan dib u hawl galinta adeega boostada dalka waxay ka tarjumeysaa dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo adeegyadii dalka uu lahaa, Shaqaalaha boostada ayaa si heer sare ah u qaatay tababaro casri ah oo ay bixiyeen khubaro caalami ah oo dibadda laga keenay, halka qaar kalana ay dibadda u aadeen si ay u helaan xirfado dheeraad ah oo la jaanqaada isbeddelka teknolojiyadeed”. Ayuu yiri wasiir Maxamed Soomaali

Hawlwadeennada waaxda boostada ee gudaha dalka iyo xirfadlayaal kale ayaa si geesinimo leh uga shaqeeyay in dib loo hawlgeliyo xarumahan muhiimka ah, oo ka qeyb qaatay dadaalkan.

Wasaaradda Isgaarsiinta waxay diiradda saartay sidii shacabka Soomaaliyeed loogu heli lahaa adeeg boosto oo hufan, degdeg ah, casri ah, isla markaana ammaan ku dhisan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Natiijo Muhiim ah ka Helay Ciyaartii Isreeb reebka Qaramada Afrika

Muqdisho- SONNA- Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta ciyaaray kulan muhiim ah…

March 27, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay Safiirka Sweden ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐜𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚b𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮…

GudahaWararka
January 14, 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo Maareeyaasha hey’addaha dowladda

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre yaa guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo…

GudahaWararka
January 30, 2023

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Midowga Yurub

Muqdisho-(SONNA)-Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay wafdi ka socda Midowga Yurub. Kulanka…

GudahaWararka
August 25, 2024

Shir sannadeedka Xeer ilaaliyaasha Soomaaliyeed ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho,

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud, wasiirka Cadaaladda XFS…

GudahaWararka
February 9, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023