Muqdisho (SONNA) – Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ayaa tababar ku saabsan ilaalinta Xuquuqda carruurta u qabatay howlwadeenno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya..
Tababarkan oo lagu baranayo ilaalinta xuquuqda carruurta iyo daryeelkooduba ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka kala socday xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka iyo gobolka Banaadir, iyadoo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka Deeq Suleymaan oo tababarka maanta furay ayaa tilmaamay in ujeeddada tababarkan uu yahay sare u qaadidda aqoonta howlwadeennada dowladda ee la xiriirta ilaalinta xuquuqda carruurta iyo daryeelkooduba.
Agaasime Deeq Suleymaan oo hadalkiisa sii wata ayaa ka qeybgalayaasha tababarka kula dardaarmay in ay dhaqangeliyaan aqoonta ay ka kororsadaan tababarka la xiriirta ilaalinta xuquuqda carruurta.
Tababarka oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa qeyb ka ah qorshayaasha Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ay ku horumarineyso ilaalinta xuquuqda carruurta Soomaaliyeed.