Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasaaradda Gargaarka oo ka warbixisay Xaaladda Deegaannada uu ku fatahay wabiga Jubba
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasaaradda Gargaarka oo ka warbixisay Xaaladda Deegaannada uu ku fatahay wabiga Jubba
Wararka

Wasaaradda Gargaarka oo ka warbixisay Xaaladda Deegaannada uu ku fatahay wabiga Jubba

By Kulane
Last updated: April 30, 2020
2 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA)… Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Siciid Xamse ayaa ka warbixiyey xaaladda bini aadantinimo ee la soo gudboonaatay magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, kaddib markii uu ku fatahay wabiga

Jubba.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha in ay deg-deg ugu howlgalaan samata-bixinta dadka ku dhaqan Baardheere iyo degaannada ku xeeran oo ay soo food saartay xaalad nololeed oo aad u adag.

“Talaabada ugu muhiimsan wakhtigan waa in aan ka daad-gureynaa dadka ku xaniban gudaha xaafadaha ee wabigu ku soo fatahay, iyada oo aan u rarayno qeybta magaalada ee kore. Sidoo kale waxaa muhiim ah in aan qorshe u samayno dadka beeralayda ah ee dalagoodii iyo agabkoodii wax soosaar ay galaafteen biyuhu, si aan uga hortagno xaalad binu aadantinimo oo ka dhalatay fatahaadahan maadaama nolasha reer Baardheere ay ku tiirsan tahay beeraha.”

Wasiirka Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan degmada Baardheere gurmadka ay u sameeyeen dadka magaalada, waxa uuna tilmaamay in is-garab istaagga iyo iskaalmeynta reer Baardheere ay ka hortagtay in dhibaatadu ay sii ballaarato.

Sidoo kale, Wasiir Xamsa ayaa sheegay in Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha ay yeesheen kulan deg-deg ah oo ku saabsan xaaladaha binu aadantinimo ee ay sababeen fatahaadaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle, iyada oo la qorsheynayo diyaarinta gurmad deg deg ah oo lala gaaro deegaannada dhibaateysan.

Guddiga ayaa ka digay fatahaad laga cabsi qabo in uu sameeyo wabiga Shabeelle waxayna ugu baaqeen dadka Soomaaliyeed in ay ka taxadaraan, gaar ahaan dadwaynaha magaalada Baladwayne.

Wasiir Xamse Siciid ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka deg-deg ah ee loo fidinayo deegaannada ay fatahaaduhu ku dhufteen, iyada oo la xoojinayo wacyi gelinta ku aaddan halista fatahaadaha iyo daadaka ee la filanayo, maadaama lagu guda jiro xilli roobaadkii Guga.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisulwasaaraha XFS oo furay Madasha arrimaha Bani’aadminimada ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta furay Madasha Arrimaha Bani’aadminimada ee Soomaaliya oo ay soo qaban qaabishay…

GudahaWararka
November 10, 2021

Ciidanka xoogga iyo kuwa Galmudug oo guullo ka gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Ciidamada xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo xoogagga deegaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay Khawaarijta ka sifeeyey dhul ballaaran oo dhaca…

Gudaha
December 22, 2023

Madaxweynaha Galmudug oo saxiixay Sharciyo kasoo gudbay Golaha Wakiillada

Muqdisho(SONNA);-Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa saxiixay sharciyo kasoo gudbay Golaha Wakiillada Dowladda Galmudug kuwaas oo kala…

GudahaWararka
October 30, 2023

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xoojinta iskaashiga kala hadlay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q.M

Muqdisho, SONNA:-asiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Axad ah , xafiiskiisa Wasaaradda ee…

GudahaWararka
May 25, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023