Muqdisho.(SONNA)…Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 60ย qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysaย 6,639.
Marwo Fowziya Abiika, oo soo ka hadleysay warbixinta maalinlaha ah ee COVID-19 ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 19ย xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland (11) Puntlandย (5)ย Hirshabeelleย (2), iyo ย Jubbalandย (1)ย iyo taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysaย 14,594.
Bukaannada cusubย 11ย ka mid ah waa ragย 8-naย waa dumar,ย 5ย bukaan ayaa u geeriyootay COVID-19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaaย 767ย qof.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo.