Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Muxuu yahay heshiiska cusub ee wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda XFS uu saxiixay?
    March 29, 2026
    Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul insaanka XFS oo shir muhiimka qabatay
    March 29, 2026
    Ciidamada Qalabka sida oo howlgal ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay Daynuunay
    March 29, 2026
    Ciidanka Xoogga oo khawaarijta ku jabiyay dagaal ay kula galeen agagaraarka Daynuunaay ee Gobolka Bay
    March 29, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo guddoomiyey Shirka Arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya
    March 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasaaradda Boostada oo soo bandhigtay sida looga faa’iideysan karo teknolojiyada xilliga xayiraadda Coronavirus
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasaaradda Boostada oo soo bandhigtay sida looga faa’iideysan karo teknolojiyada xilliga xayiraadda Coronavirus
Wararka

Wasaaradda Boostada oo soo bandhigtay sida looga faa’iideysan karo teknolojiyada xilliga xayiraadda Coronavirus

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 2, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Iyadoo la tixgelinayo saameynta uu cudurka Coronavirus ku yeeshay hannaankii shaqo iyo nololeed ee dalkeena iyo go’aamadii ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) waxay ku baraarujineysaa qeybaha kala duwan sida ay uga faa’iideysan karaan teknolojiyada si hawlaha qaarkood ay sii socan karaan, inta lagu guda-jiro xayiraadda cudurka Coronavirus.

Iyadoo taageero ka heleysa Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta ee Bankiga Adduunka, Wasaaraddu waxay soo dhammeystirtay illaa 37 qolal shir (communication rooms) oo laga hirgeliyay Somaliland, Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Caasimadda Muqdisho. Qolalkaas ayaa loogu talo galay inay ku wada xiriiraan hay’adaha kala duwan ee dawladeed iyo kuwa caalamiga ah ee ay xiriirka la leeyihiin si loo yareeyo safarrada, loona kordhiyo isku-xirka wada-shaqeynta, iyadoo markan la ilaalinayo tilmaamaha caafimaad ee la xiriira Coronavirus.

Wasiirka Boostada, Isgaarsinta, iyo Teknolojiyada, Eng. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga faa’iideysto qolalkaas, maadaama la joojiyay isku-socodkii, wuxuuna ku boorriyay Wasaaradaha heer dawlad goboleed iyo heer federaalba inay wadaagaan qolalka isgaarsiinta, maadaama aysan dhaqaale ahaan suurtogal ahayn in Wasaarad walba loo dhiso mid u gaar ah. Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in Wasaaraddu kaalinta kaga gudboon ka qaadan doonto sidii loo kordhin lahaa xawaaraha internetka ee Wasaaradaha heer federaal iyo heer dawlad goboleedba, iyadoo lala kaashanayo Bankiga Adduunka oo aan adeeggan uga mahadcelineyno.

Dhinaca kale, wuxuu Wasiirku ammaanay sida jaamacadaha dalka ay uga faa’iideysanayaan inay waxbarashada ku bixiyaan qaab online ah, iyadoo hore ay Boostada, Isgaarsinta, iyo Teknolojiyada gacan ka siisay qaar ka mid ah jaamacadaha ka tirsan SomaliREN sidii ay u heli lahaayeen internet ay u adeegsan karaan wax-barista, inkastoo Wasiirku uu qiray in ardeyda iyo goobaha waxbarashada dalka oo dhan aysan wada heli karin internet u saamaxaya in wax lagu baro, lagana baran karo. Qorshaha Siyaasadda Isgaarsiinta Qaranka ee 2019-2024 waxaa ku jirta in iskuul iyo jaamacad kasta ay helaan internet, taas oo horumarin doonta adeegyada waxbarashada.

Wasiirku wuxuu kaloo xusay in Wasaaraddu gacan ka geysaneyso intii karaankeeda sidii teknolojiyada loogu adeegsan lahaa fududeynta hawlaha uu xannibay Coronavirus, iyadoo mar kastaba lagu dhaqmayo talooyinka Guddiga qaabilsan Coronavirus iyo go’aamada kale ee ka soo baxa Dawladda.

Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan inay kordhiyaan taxadarkooda, qaataana talooyinka caafimaadka iyo awaamiirta dalalka ay ku nool yihiin, isagoo Alle ka baryay inuu adduunyada ka dulqaado musiibadan uu la yimid cudurkan dilaaga ah.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Muxuu yahay heshiiska cusub ee wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda XFS uu saxiixay?

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis…

March 29, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo qadka fogaan aragga uga qeyb galay Shirka Wasiirada Dalxiiska ee dowladaha Carabta “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)- Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka qeyb galay shir…

Wararka
June 17, 2020

DF oo qabatay kulanka dib-u-eegista mashaariicda uu maalgeliyo xafiiska deeqaha iyo horumarinta ee Jarmalka

Muqdisho.(SONNA):- Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya ayaa maanta qabatay kulankii labaad ee dib-u-eegista mashaariicda ay maalgeliso Dowladda…

GudahaWararka
January 19, 2025

Wasiirka Cadaaladda ee XFS oo gaaray magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macallim Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu qeyb…

GudahaWararka
October 15, 2023

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo ka qeybgalay Munaasabad lagu dhaariyay 300 askari

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed S/guuto Sulub Axmed Firin, ayaa ka qeybgalay munaasabad maanta lagu dhaariyey 300 oo askari oo ka…

GudahaWararka
March 11, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023