Muqdisho.SONNA…Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi ,ayaa sheegay in la bilaabay barnaami loogu magac daray xorriyad ku afaur oo laga fulinaayo deegadii laga xoreeyay kooxaha khawaarijta.
Wasiir Fiqi,ayaa yiri”Argagaxisadu dhibka ugu badan waxay shacabka u geysan jireen bisha Ramadaan,arrintaasina dadka ku nool deegaanadii laga xoreeyey ayaad ka fahmi kartaaa”.
Wasiirka oo ka qeybalay barnaamojka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in bilowga bisha ramadaan la sameyn doono qeybinta raashin gargaar ah oo loogu talaalay dadka danyarta ah ee ku noo ldeegaanadii laga xoreeyay kooxaha argagixisada ee gobolada Hiiraan,Sh/Dhexe,Gaalgaduud iyo Muduh.
Mudane Axmed Macallim Fiqi ,ayaa xusay in deegaanada laga saaray khawaarijta ee Aadan yavaal Maxaas Ceel-dheer, Xaradheere,Wisil iyo Baxdo la geyn doono raashin mucaawino ah oo ay ka dhigtaan kaalmo xagga molosha ah.