Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo soo bandhigtay waxqabadkeeda muddada seddexda sano (2022-2025)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo soo bandhigtay waxqabadkeeda muddada seddexda sano (2022-2025)
GudahaWararka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo soo bandhigtay waxqabadkeeda muddada seddexda sano (2022-2025)

By SB
Last updated: September 18, 2025
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa xalay fiidkii oo Arbaco ahayd (17 September) soo bandhigtay waxqabadkeeda muddada seddexda sano ee August 2022 illaa iyo August 2025 ee Xukuumadda Dan Qaran, iyadoo meel-marisay diblomaasiyadda ku suntan “Soomaali, heshiis la ah dunida”.

Wasaaradda ayaa waxqabadkeeda ku soo bandhigtay madal furan oo ay ka qeybgaleen Wasaaradaha iyo hey’adaha kale duwan ee dowladda oo loogu magacdaray “ Bandhigga waxqabadka Xukuumadda Dan-qaran 2022-2025” oo lagu qabtay caasimadda Muqdisho .

Madashan ayaa waxaa Wasaaradda ku hoggaaminayay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadd aiyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, halka ay ay dhinac-joogeen Xoghayaha Joogtada Wasaaradda, Mudane Xamsa Aadan Xaadow, qaar ka mid ah agaasimeyeyaasha Waaxyaha iyo saraakiil kale.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda, Xildhibaan Isaaq Mursal, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyeen Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo Ra’iisul wasaare kuxigeenka , Mudane Saalax Axmed Jamaac , uga warbixiyay waxqabadka seddexda sano ee Wasaaradda kadib markii ay indha-indhayn ugu yimaadeen aqal-yaraha Wasaaraddu ku bandhigaysay guulaheeda diblomaasiyadeed.

Wasaaradda ayaa soo bandhigtay waxqabadka Wasiirka xilligan ee Wasaaradda Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, oo xilka loo magacaabay 27 April 2025 , si la mid ah Wasiiradii hore ee Wasaaradda sida Danjire Axmed Macallin Fiqi muddo xileedkiisu u dhexeeyay 7 April, 2024 illaa iyo 27 April, 2025, iyo Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo xil-hayntiisu ahayd August 2022 illaa iyo December 2023. Sidoo kale, waxaa Wasaaraddu soo bandhigtay waxqabadka Wasiiru dowlaha xilligan ee Wasaaradda, Mudane Xildhibaan Cali Maxamed Cumar, oo intii u dhexeysay 18 December, 2023 illaa iyo 7 April, 2024 ahaa Siihayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadd aiyo Iskaashiga Caalamiga.

Wasaaradda ayaa ku guulaysatay muddadaasi seddexda sano ah in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay muddo xileedka 2025-2026, in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu qaado xayiraadda hubka , soona saarray go’aan tirsigiisu yahay 2714 (2023) oo arrinkani la xiriira, in Soomaaliya si rasmi ah ugu biirtay Urur goboleedka Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) 4 Maarso, 2024, waxaa si adag loo difaacay midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka bad iyo beri ee Soomaaliya.

Guulaha diblomaasiyadeed ee Wasaaraddu gaartay waxaa ka mid ah in xiriir cusub oo diblomaasiyadeed lala yagleelay illaa iyo 13 dal, iyadoo dib loo dayactiray Safaaradaha dalku ku leeyahay wadamada Tanzania, France iyo Zambia, sidoo kale waxaa dib loo furay dhismooyin cusub oo ah Safaaradaha Soomaaliya ee Algeria, iyo South Africa, iyadoo warqadaha danjirannimo laga guddoomay illaa iyo 43 danjire iyo wakiillo ururro , lagana qeybgalay 52 shir heer caalami iyo mid heer goboleed ah, iyadoo la magacaabay illaa iyo 24 safiir, iyo labo qunsul guud, waxaana la qaabilay 88 safiirro shisheeye iyo wakiillo ururro, iyadoo la ballaariyay howsha safiir “ma degane” oo la gaarsiiyay inay dalka ku matalaan illaa iyo 83 wadan, waxaana 53 heshiis iyo is-afgaradyo lala saxiixday 24 dal iyo labo urur oo kala ah mid heer caalami iyo mid heer goboleed ah, iyadoo lagu guulaystay in dalka si nabad ah loogu soo celiyo 3200 muwaadin oo ku dhibbanaa dalka dibaddiisa.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Duqa muqdisho oo dhagax dhigay xarunta keydka daawada gobolka Banaadir

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Keydka Daawada Maamulka…

GudahaWararka
January 22, 2025

Wadamada G7 oo walaac ka muujiyay damaca gurracan ee Ethiopia ee dhulka Soomaaliyeed 

Muqdisho(SONNA):-Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada G7 ayaa walaac ka muujiyay Heshiiska beenaadka sharci darada ah ee la sheegay inuu dhexmaray…

GudahaSiyaasaddaWararka
April 20, 2024

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 “𝗦𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 𝗠𝗮𝗿𝘁𝗶 𝗞𝗮𝗺𝗮 𝘀𝗶𝗶 𝗮𝗵𝗮𝗮𝗻 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗼 𝗺𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗼𝗼𝗱𝗮”.

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyey shirka golaha wasiiradda ayaa sheegay in Xukuumadda looga…

GudahaWararka
June 1, 2023

Safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia oo La Kulmay Danjirayaasha Tunisia iyo Maraykanka

Muqdisho,(SONNA):-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ethiopia oo La Kulmay Danjirayaasha Tunisia iyo Maraykanka ee Ethiopia. Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee…

GudahaWararka
October 6, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023