Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Warsaxaafadeed Wadajir ah oo ay soo saareen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Itoobiya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warsaxaafadeed Wadajir ah oo ay soo saareen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Itoobiya
GudahaWararka

Warsaxaafadeed Wadajir ah oo ay soo saareen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka Itoobiya

By Kanaava Mohamed
Last updated: January 12, 2025
2 Min Read
Share

Addis-Abbaba(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa si diirran usoo dhaweeyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo ku yimid itoobiya.

Labada hoggaamiye waxa ay yeesheen wada hadallo ballaaran oo ku qotoma danaha labada dal iyo guud ahaan sidii la isaga kaashan lahaa xaaladaha gobalka iyo xoojinta xiriirka labada shacab iyo labada dal.

Hoggaamiyeyaasha ayaa isku raacay in lasoo celiyo, korna loo qaado xiriirka u dhexeeya iyada oo loo marayo dib u hawlgalinta matalaadda dublamaasiyadeed ee labada caasimadood, sidoo kale Madaxda ayaa adkeeyay baahida loo qabo in la iska kaashado arrimaha gobalka, si dhawna looga wada shaqeeyo danta guud.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa adkeeyay in xasilloonida gobalka ay aasaas u tahay in labada dal ay yeeshaan wadashaqayn xooggan oo ku dhisan kalsooni iyo is qadarin, iyadoo labada hogaamiye ay isku raaceen in la horumariyo dadaallada kor loogu qaadayo xoojinta xiriirka gobalka iyo is fahamka guud.

Wadahadallada waxaa kale oo xoogga lagu saaray baahida loo qabo in la sii wado iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhaxeeya labada dowladood. Iyadoo laga maanka lagu hayo halista kooxaha argagixisada ah ay ku hayaan gobalka, ayaa waxay labada hoggaamiye fareen hay’adaha amni ee labada dhinac in ay kor u qaadaan wadashaqayntooda si loo horumariyo xasiloonida guud ee gobalka.

Dhinaca kale, Madaxda labada dal ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga dhanka dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, iyaga oo isku raacay in la ballaariyo kaabayaasha fududaynaya arrimaha ganacsiga iyo guud ahaan baraaraha dhaqaalaha labada dal.

Ugu danbayn, waxa ay madaxdu adkeeyeen sida ay uga go’an tahay hirgalinta Heshiiskii Ankara iyada oo loo marayo jawi saaxiibtinimo iyo niyad-wanaag, waxaana la isla qaatay dardar-gelinta guddiyada farsamo ee hiragalinta heshiiskaas.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Warbixinta Todobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho.SONNA…Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley tukashada salaadda janaasada ee marxuum Khadiija Maxamed Diiriye oo…

Gudaha
December 22, 2023

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo meel-mariyay Hindise Sharciyeedka Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman 

Muqdisho (SONNA) Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kalfadhiga labaad kulankiisa 10-aad ku yeeshay xarruunta Villa Hargeysa…

GudahaWararka
January 14, 2023

Musuq maasuqu wuxuu caqabad ku yahay Dawladnimada Qeybta 2-aad  

Musuqmaasuqa waa dhaqan haraadi ah oo aan meelna ku lahayn shareecada islaamka iyo dhismaha dowladnimada casriga ah, waxaana jira dadaallo…

GudahaMaqaallada
July 13, 2023

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Magaalada Changsha kula kulmay Guddoomiyaha CIDC

Changsha(SONNA):-Wasiirka Arrimaha  Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa kulan muhiim ah kula…

GudahaWararka
June 13, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023