Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey
GudahaWararka

Wasaaradda Duulista XFS oo jawaab ka bixisay warar been abuur ah oo laga faafiyey

By SB
Last updated: February 28, 2026
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya waxay si cad u beeninaysaa wararka been abuurka ah ee maalmahan lagu baahinayay baraha kala duwan, kuwaas oo si khaldan ula xiriiriyay shaqada iyo adeegyada ay Wasaaraddu u hayso muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Gaar ahaan, wararka la xiriira bixinta taargooyinka gaadiidka, Wasaaraddu waxay xaqiijinaysaa inaysan jirin wax caqabad ah oo ka taagan adeeggaas. Adeegyada taargo-bixinta waxay u socdaan si habsami leh, mana jiraan wax hakad ah oo ku yimid.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay caddeyneysaa in wararkan been abuurka ahi ay yihiin kuwo si ula kac ah loo faafinayo, ujeeddadooduna tahay in lagu carqaladeeyo amarkii ka soo baxay Hay’adaha Amniga ee ku saabsanaa qaadashada iyo ku xirnaanshaha taargooyinka rasmiga ah ee gaadiidka.

Waxaa xusid mudan in ay jiraan shakhsiyaad si gaar ah lacago loogu siinayo si ay u faafiyaan wararkan, iyagoo u adeegaya cadowga ummadda Soomaaliyeed isla markaana isku dayaya inay wiiqaan kalsoonida dadweynaha iyo fulinta awaamiirta sharciyeysan.

Wasaaraddu waxay sidoo kale caddeyneysaa in xirashada taargada rasmiga ah ay dan weyn ugu jirto dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, maadaama ay xoojinayso amniga guud, fududeynayso la socodka gaadiidka, kana hortagayso falalka amni-darro ee lagu waxyeelleyn karo shacabka. Taargadu waa astaan sharciyeysan oo kaalin muhiim ah ka qaadata badqabka iyo ilaalinta hantida iyo nafta muwaadiniinta.

Intaa waxaa dheer, heer, Wasa Wasaaraddu waxay si cad u shaacinaysaa inuusan jirin wax khilaaf ah oo ka taagan gudaha Wasaaradda, islamarkaana howlaha shaqo ay u socdaan si mideysan, nidaamsan, oo waafaqsan sharciga dalka. Wararka sheegaya khilaaf gudaha ah waa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, laguna doonayo in lagu jahawareeriyo bulshada.

Wasaaraddu waxay faraysaa Hay’adaha Amniga inay si degdeg ah dabagal ugu sameeyaan shakhsiyaadka ku lugta leh arrintan, isla markaana la horkeeno sharciga cid kasta oo lagu helo falal lid ku ah amniga iyo danaha qaranka.

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed inay ka feejignaadaan wararka aan la hubin, ayna xogaha saxda ah ka qaataan warbaahinta rasmiga ah ee Wasaaradda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Boliiska magaaladda Qardho oo gacanta ku dhigay ajaanib baxsad ka ahaa cadaaladda

Muqdisho,(SONNA):-Ciidanka Booliska dowlad goboleedka Puntland ayaa gacanta ku dhigay afar ruux oo ajaanib ah kuwaas oo ku eedeysan inay Magaalada…

GudahaWararka
December 28, 2023

Sh Soomow: Ciidanka qaranka ee ku geeriyooda dagaalka lagula jiro khawaariijta waa shuhado

Muqdisho(SONNA):-Sheekh Cabdiqaadir Soomow oo ka mid ah Culimada dalka ayaa khudbad dhinacyo badan taabaysa oo uu shalay ka jeediyey shirweynaha…

GudahaWararka
January 24, 2023

20-qof oo gaajo ugu geeriyootay gobolka Amxaarada ee Itoobiya

Addis ababa (SONNA): Dagaalada ka socda gobolka Amxaarada ee itoobiya ayaa sababay dhimashada ku dhowaad 20 qof oo gaajo u…

GudahaWararka
March 4, 2024

Shirka guddiga sare ee Barnaamijka xasillinta oo Muqdisho lagu qabtay 

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macallin Maxamuud oo ay weheliyaan Wasiirka arimaha gudaha Federaalka iyo…

GudahaWararka
July 8, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023